Saraakiisha madaxtooyada oo ka hadlay gaadiidkii Farmaajo ee dadka shacabka dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada guutada lixdanaad ayaa ka hadlay shilkii dhawaan lagu Mid kamid ah Shaqaalaha wasaarada Warfaafinta oo lagu magacaabayay Tahliil, kaasi oo shilka ku dhintay kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Gaanshaale Dhexe Cumar Cabdiraxmaan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in tilaabo adag laga qaadi doono ninkii ka dambeeyay Shilkii uu ku dhintay Tahliil, kaasi oo dhacay maalintii madaxweyne Farmaajo aadayay magaalada Baydhabo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in sargaalkii geystay Falkaasi oo lagu magacaabo Cabdishakuur in ay gacanta ku hayaan, islamarkaana isla xisaabtan dhab ah lagu sameyn doono.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in gabadh Shacab ah oo ay jiireen gawaari  dowladda Soomaaliya ay leedahay in ay gacanta ku hayaan xaaladeeda Caafimaad, wuxuuna sheegay in haweeneyda dhaawac uu soo gaaray.

Dhanka kale labo xidigle Cabdiqani Cabdullaahi ayaa waxaa uu sheegay in falka lagu dilay tahliil iyo sidoo kale faaduma ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan Guutada Lixdanaad.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET