24.5 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Xog: Goorma ayuu Farmaajo safarkiisa ugu horeeyo ku tagayaa Addis Ababa?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waddo qorshihiisii ugu horeeyay oo safar uu ku tagayo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu warqad casuumaad ah uu ka helay ra’iisul wasaaraha Ethiopia, sida xogta aan ku heleynaya waxaa la filayaa in dhamaadka todobaadkaan uu safar dalka dibadiisa ah ku tagaa magaalada caasimada u ah Ethiopia.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in maalinta Arbacada uu madaxweyne Farmaajo safar ugu ambabixi doono dalka Ethiopia isagoo halkaasi kula kulmaya ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo martiqaadka u sameeyay Farmaajo.

Wakaalada wararka Andolu ee dalka Turkiga oo soo xiganeyso saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa baahisay in madaxweyne Farmaajo lagu casuumay dalka Ethiopia uuna aqbalay.

Saraakiisha ayaase qariyay magacooda, waxayse sheegeen in maalinta arbacada madaxweyne Farmaajo uu safar ku tagi doono dalka Ethiopia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in magaalada Addis Ababa uu kula kulmaa madaxda Midowga Africa, isagoo kala hadlaya arimaha ciidamada AMISOM ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya.

Ethiopia iyo madaxweyne Farmaajo ma jiro xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya maadaama Ethiopia inta badan ay saameyn ku laheyd arimaha siyaasada dalka Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News