3 arrin oo Farmaajo uga iman karta diidmadii Ashkir ee in xilka laga qaado

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Maareeyihii Garoonka Aadan Cadde, Aadan Cabdi Ashkir, ayaa diiday xil ka qaadis uu ku sameeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, waxa uuna wali ku doodayaa in xilka looga qaadi karo keliya Digreeto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Aadan Cabdi Ashkir, ayaa ku doodaaya in xil ka qaadista uu Ra’isul wasaare Kheyre ku sameeyay 06 April 2017, ay tahay mid aanu waafaqsaneyn sharciga, isla markaana loo baahan yahay in Maareeyaha cusub ee lagu bedelaayo uu la imaado Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maadaama isaga lagu magacaabay Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynihii hore ee Somalia.

Aadan Cabdi Ashkir oo ah shaqsi kasoo jeedo Beesha Mareexaan ayaa ku gacan seyray inuu wareejiyo xilka Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde, wuxuuxna garab weyn ka helay beesha Majeerteen uu Madaxweyne u Farmaajo u sheegtay inuu ninkaan xilkiisa u dhaafo haddii uusan kusoo badaleen booskaas shaqsi kale oo kasoo jeedo Beesha Daarood.

Beesha Majeerteen ayaa ka dhawaajisay inaysan macquul aheyn in Darood laga qaado xilka ay ka hayaan garoonka Aadan Cadde, waxayna madaxweynaha culeys ku saareen inuusan booskaas u magacaabin shaqsi aan beeshaas kasoo jeedin.

Markii uu batay Culeyska Farmaajo kaga imaanayo Daarood, ayuu go’aan ku gaaray inuu xilkiisa u dhaafo Aadan Cabdi Ashkir, waxaana Jaalle lagu qanciyey in la siiyo xilka Maareeyaha guud ee Hey’adda saadaasha  iyo duulista Hawada Soomaaliya.

Haddaba dadka falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inay arrintaan Farmaajo usoo jiido karto sumcad darro iyo kalsooni xumo.

Arrintaan ayaa Madaxweyne Farmaajo saameyn weyn ku yeelan doonto sumcadda Madaxweynaha, waxaana ka dhallan karto waxyaabaha soo socdo:

In dadka ka niyad jabaan Farmaajo:  Shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan ayaa rajo iyo niyad fiican ka leh Farmaajo, arrintaana waxay dhaawac weyn gaarsiin kartaa qalbiga shacabka Soomaaliyeed oo Farmaajo uga fadhiyo waxqabad iyo horumar uu gaarsiiyo Soomaaliya.

In shaki la geliyo wadaniyaddii laga maleystay:  Arrintaan waxay shaki weyn gelin doontaa wadaniyaddii laga filayey Farmaajo oo hadda u muuqato inay ceel weyn kusii dhacday, waxaana looga fadhiyaa sidii uu ceelkaas uga soo bixin lahaa.

In dadka u qaataan nin aan go’aan adag lahayn: go’aanka uu Maareeyaha garoonka Aadan Cadde ku diiday xil ka qaadistii lagu sameeyey ayaa macquul ah inay dadka u qaataan inuu Farmaajo yahay shaqsi aan laheyn go’aan adag maadaama shaqsi kasoo jeedo beeshiisa uu diiday xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET