Sawirro: Maxay Ethiopia ka yeeli doontaa bahdilka uu safiirkooda kala kulmay Farmaajo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumada Somalia, Yuusuf Garaad Cumar Axmed, ayaa warqadaha Aqoonsig Danjirenimo ka gudoomay Danjiraha Ethjiopia u jooga Somalia, Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Dowlada Ethiopia oo saameyn ku laheyd Siyaasada Somalia ayaa iminka aad u dhaliilsan in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu ka biya diiday in warqadaha Safiirnimo uu ka gudoomo Safiirka Ethiopia ee Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa horay ula qabsatay in Madaxweynaha markaa jira ay warqadaha Aqoonsi ka gudooman Safiirka ay usoo magacowdo Somalia.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia ku amray inuu gudoomo warqadaha Aqoonsiga ee Safiirka Ethiopia Somalia, kadib markii uu wakhti u waayay Safiirka Ethiopia ee Somalia Jamaaludiin Mustafa Cumar.

Dowlada Ethiopia ayaa dhabar jab weyn u aragta in Madaxweynaha uu dayacay wakhtiga yar ee uu siin lahaa Safiir Jamaaludiin Mustafa Cumar, waxa ayna tani cirka kusii shareereysaa xiisada Siyaasadeed ee Ethiopia kala dhexeysa Madaxweynaha Somalia Farmaajo.

Farmaajo ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay warqadaha Aqoonsi ka gudoomay dhowr Safiir oo uu kamid ahaa Danjiraha cusub ee dowladda Ingariiska u fadhindoona dalka Soomaaliya David William Concar.

TIRADA SAFIIR EE UU FARMAAJO WARQADAHA KA GUDOOMAY

1-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa February 18, 2017 warqadaha Safiirnimo ka gudoomay Danjiraha cusub ee dowladda Ingariiska u fadhindoona dalka Soomaaliya David William Concar.

2-Madaxweynaha ayaa April 15, 2017 warqadaha aqoonsi ka gudoomay Safiirka cusub ee Shiinaha Qin Jian.

3-Marso, 08, 2017, Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay safiirka Jarmalka ee dalalka Somalia iyo Kenya Ambassador Jutta Frasch.

Dowlada Ethiopia ayaa shakiga ugu badan ka qaaday sida uu Madaxweynaha dalka warqadaha Aqoonsiga uga gudoomay Safiirada aan kor kusoo xusnay iyo sida uu Safiirkooda warqadaha u gudoonsiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad, waxa ayna talaabadaani Ethiopia u aragtaa mid lagu sii fogeynaayo xiriirkeeda Somalia.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NETÂ