Muuse Suudi: Waxaan helnay wasiirka qaraxyada ka hor-taga iyo wasiirka ka hadla

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay kala deris uu sheegay in lagu sameyn rabo maamulka HirShabeelle.

Xildhibaanka oo saxaafada la hadlayay kadib kulan ka dhacay aqalka sare ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay wadaan iska hor keenida madaxda sare ee maamulka HirShabeelle, islamarkaana aysan aheyn taasi wax wanaagsan.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in beeshooda la siiyay wasiirka loogu talo galay inuu qaraxyada ka hor tago iyo wasiirka ka hadlaya qaraxyada, oo uu kala jeeday wasiirka amniga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in beel ahaan ay ku dulman yihiin in labadaasi wasaaradood la siiyaa, sida uu sheegayna hadda ay iskaga qancayaan.

“Hirshabeelle in la kala diro ayaa laga shaqeynayaa, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka waa la isku dirooyaa, anaga waxaa nala siiyay Wasiirka Qaraxyada lagu qabsado iyo Wasiirka Qaraxyada ka hadlaya, inta kale waa ku dulmanahay”ayuu yiri xildhibaanka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET