Xasaasi: Wasiirka dastuurka oo shaki geliyey jiritaanka maamul goboleedyada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) –  C/raxmaan Xooshi Jibriil oo ah wasiirka Dastuurka xukuumadda Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ka dhawaajiyey hadal uu muran badan ka dhallan doono oo ku saabsan maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Wasiirka ayaa laga soo xigtay hadal ku aadan maamul Goboleedyada dalka ka jiro oo uu ku tilmaamay inaysan sharci aheyn dhammaantood marka loo fiiriyo dastuurka dalka.

Xilli uu ka hadlayyey shirkii ku saabsanaa doorka Haweenka ee geedi socodka dastuurka ayuu ka dhawaajiyey in maamul Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federalka Soomaaliya aysan sharci aheyn isla markaasna ay lagama maarmaan tahay in la horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya si ay u helaan aqoonsi.

Wasiirka ayaa hadalkiisa  qiil u yeelay, wuxuuna ka dhawaajiyey haddii la raacayo dastuurka in loo baahan yahay in maamul Goboleedyada la dhiso ay helaan sharciyeyn iyo inay ogolaansho ka helaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoosh Jabriil ayaa kamid ah dadkii soo bilaabay sameynta dastuurka Kumeel gaarka ah, wuxuuna wasiirka Dastuurka soo noqday xilligii kala guurka, waxaana horey loogu eedeeyey  khaladaadka ku jira Dastuurka KMG ah.

Arrinta sharciyeynta maamul goboleedyada la dhisay dasuurka 2012 kadib ayaa u baahan sharciyeyn inkastoo aan la ogeyn in Puntland qaban doono dastuurka Kumeel gaarka ah, waxaana macquul ah in hadalka Wasiirka uu dhaliyo muran badan oo ka imaan doono Maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET