Cadaado (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ugu jirto sidii maamulka Galmudug Looga mid dhigi lahaa xubnaha ugu sareeyo maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe, walow lagu guurl dareystay wajiga koowaad ee wadahadalka.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi carabeey oo warbaabinta la hadlay ayaa sheegay in dib loo bilaabayo wadahadalka ay dowladda Soomaaliya garwadeenka ka tahay.
Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa wadda dadaal la iskugu keenayo Ahlu sunna iyo Galmudug, maadaama aysan u suuro galin talaabadii koowaad ee uu u qaaday wadahadal siinta Galmudug iyo Ahlu sunna.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug wuxuu sheegay in wadahadalkaasi dib loo bilaabi doono kadib doorashada madaxweynaha Galmudug oo maalmo kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Cadaado.
Wuxuu sheegay in wasaarada arimaha gudaha aysan wali ka quusan sidii looga miro dhalin lahaa qorshaha wasaarada oo ah in maamul lagu mideysan yahay uu kasoo baxaa deegaanada Mudug iyo Galgaduud.
Wadahalka ayaanan suuro galin,waxaana madaxweynaha Ahlu sunna uu ku laabtay magaalada Dhuusomareeb isagoo sheegay inaysan quseyn waxyaabaha kasoo baxaa magaalada Cadaado.
Lama oga sida markale ay suurogal ku noqoneyso wadahadal siinta labada dhinac mar haddii doorasho ay ka dhacdo magaalada Cadaado.