Dareen intee la’eg ayuu Erdogan ka qabaa shirka ay Britain u qabaneyso Soomaalida?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyip Erdogan oo shir Jaraa’id ku qabtay magalada Ankara ayaa aad u dhaliilay natiijada kasoo bixi karta Shirka la filaayo in Somalia uu uga furmo magaalada London kuna beegan 11ka bisha May.

Recep Dayyip Erdogan, ayaa sheegay in dowladaha reer Galbeedka ay aad uga soo horjeedan Africa oo gasha jawi degan, gaar ahaan Somalia waxa uuna tilmaamay inay iska indha tirayaan Kumanaanka kun ee ku dhibaateysan gudaha iyo daafaha Somalia.

Recep Dayyip Erdogan, ayaa sheegay in Somlia xiligaani aysan micno usoo kordhineynin in lagu mashquuliyo shirar dibadda ah oo ay kasoo baxayaan natiijooyin aan fadhin.

Erdogan waxa uu Su’aal ka keenay farqiga u dhexeeya shirarkii horay Soomaalida loogu qabtay dalka Britain iyo kan la filaayo inuu qabsoomo 11ka bisha May? waxa uuna tilmaamay in dhamaaantooda ay yihiin kuwo aan waxba ka bedeli karin xalada dhabta ah ee ka jirta Somalia.

Waxa uu sheegay in dowlada Turkiga ay si dhaba ula socto xaalada ka jirta Somalia, waxa uuna cadeeyay inay ka jawaaban baahida markaasi jirta sida gargaar, dhismaha wadooyinka, Xarumaha dowlada iyo in dowlada Somalia ay ku caawiyaan wixii dhaqaale ah ee wax muuqda lagu qabankaro.

Waxa uu sheegay in dowladaha reer galbeedka ay Somalia ku mashquulinayaan ballanqaadka dhaqaale iyo in wax laga qaban doono Amniga waxa uuna yiri ”Amni iyo xasilooni kama hadli kartid caalam ay caruurtiisu gaajo ule’anayaan Somalia uma baahna shirar ee waxa ay u baahan yihiin in lagu caawiyo wixii loo awoodo”

Erdogan waxa uu intaa raaciyay ”Anagu ma ihin kuwa indhaha ka laabtay dadka noloshoodi ay ciriiriga kujirto gaajo iyo macaluul darteed, waanu siiwadi doonaa taageerada aanu la garab taaganahay Somalia”.

Haddalka Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan ayaa imaanaya xili Madaxda dowlada iyo Madaxweynayaasha maamul Goboleedyda dalka ay 11ka bisha May shir uga qeybgali doonaan magaalada London.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET