Jawaari oo si rasmi ah u diiday qorshaha dhismaha ciidamada qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xukuumada Somalia u diray warqad uu kaga dalbanaayo in dib u eegis lagu sameeyo Sharciga Dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha baarlamanka ayaa Xukuumada ugu baaqay inay jawaab ka bixiyan khilaafka yar ee ka tagan sharciga dhismaha ciidamada.

Jawaari waxa uu sheegay inay muhiim tahay in dib loo saxo sharciyada muranka dhaliya ka hor inta aan lagu shaqeyn maadaama dowladu ay tahay mid heer federaal ah.

Jawaari waxa uu sheegay in waqti badan ka hor la qoray sharciyada dhismaha ciidanka loona baahan yahay in la casriyeeyo lana waafajiyo Nidaamka Federaalka ee dalka uu qaatay.

”Waxaan xukuumada uga fadhinaa inay jawaab ka bixiso dalabka casriyeenta sharciga ciidamada DFS, waayo waxaan ognahay in sharciga lagu shaqeynaayo uu yahay mid xili hore la qoray loona baahan yahay in isbedel lagu sameeyo”

Haddalka iyo qoraalka Guddoomiye Jawaari ayaa kusoo beegmaya xili sharciga lagu hago ciidamada uu yahay mid awoodiisa ay sii lumeyso.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET