24.2 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Cabdullahi Xasan: Hadalka Muuse Suudi wax maaha marka loo eego buuga Farmaajo qoray, ee raali-gelin ha bixiyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Cabdullaahi Sheekh Xasan oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed sidoo kala  kasoo jeedo Beesha Daa’uud ee Abgaal aya  weerar culus ku qaaday buuggii uu qoray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalana wuxuu ka hadlay hadalkii uu muuse suudi yalaxow ka dhawaajiyey shalay.

Siyaasigaan  ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray qoraal kooban oo uu isku barbardhigay hadalkii uu Muuse Suudi Yalaxow ka dhawaajiyey iyo buugii uu qoray madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“ Hadii aad akhriso buuga farmaajo qoray hadana aad dhegeeysato hadalki Xaaji Muuse waxa kuusoo baxaaya in is cafis qaran loo baahan yahay” ayuu yiri Cabdullaahi Xasan.

Isagoo hadalka sii wado ayuu mar kale yiri: “ Weliba waxa jira Dad cuqdad qaba sida Muuse u hadlana aan  uhadlikarin weliba Muuse Masuuliyad mahaayo laakiin Farmaajo waa Madaxweynihi Qaranka Buugi ow qorayna weli Cudur daar kama bixin asaga oo weliba Beelaha Somaliyeed qaarkood aad ugu gefay”.

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay kala deris uu sheegay in lagu sameyn rabo maamulka HirShabeelle.

Xildhibaanka oo saxaafada la hadlayay kadib kulan ka dhacay aqalka sare ayaa sheegay in shaqsiyaad gaar ah ay wadaan iska hor keenida madaxda sare ee maamulka HirShabeelle, islamarkaana aysan aheyn taasi wax wanaagsan.

Xildhibaanka ayaa dhinaca kale sheegay in beeshooda la siiyay wasiirka loogu talo galay inuu qaraxyada ka hor tago iyo wasiirka ka hadlaya qaraxyada, oo uu kala jeeday wasiirka amniga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in beel ahaan ay ku dulman yihiin in labadaasi wasaaradood la siiyaa, sida uu sheegayna hadda ay iskaga qancayaan.

“Hirshabeelle in la kala diro ayaa laga shaqeynayaa, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka waa la isku dirooyaa, anaga waxaa nala siiyay Wasiirka Qaraxyada lagu qabsado iyo Wasiirka Qaraxyada ka hadlaya, inta kale waa ku dulmanahay”ayuu yiri xildhibaanka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News