Wasiir Beyle muxuu ka yiri khilaafka la sheegay inuu kala dhaxeeyo R/W Kheyre?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maalmihii dambe la hadal hayey inuu Khilaaf weyn ka dhaxeeyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle.

Haddaba waxaa arrintaas si rasmi ah uga hadlay wasiirka Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, wuxuuna si kulul u cambaareeyey cidda warkaas faafisay, isagoo dariishada ka saaray inuu wax Khilaaf ah kala dhaxeeyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Hadalka uu wasiirka ku beeniyey inuu Khilaaf kala dhaxeeyo, wuxuu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay baraha Bulshada isagoo ka dhawaajiyey inay hadalkaas faafiyeen dad aan aqoon fiican u laheyn saxaafadda isla markaasna aan qaadi karin wax mas’uuliyad ah.

Wuxuu tilmaamay in isaga iyo dhammaan xukuumadda ay xoogga saarayaan sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Soomaaliya oo muddo badan ku jirtay burbur, isagoo su’aal ka keenay sida uu khilaaf u dhexmari karo isaga iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

“Warka beenta ah ee ay baahisay warbahinta aan xilkaska ahayn ee la xariira muranka Ra’iisal wasaaraha waa khalad. Waxaan diiradda saaraynaa dib u dhiska Somalia..” ayuu farriintiisa ku yiri Wasiir Beyle.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo xilli Shalay uu garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya soo saaray waxyaabo uu ku tilmaamay sharci darro ay ka mid tahay inuu faraha la galay shaqadii wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka Miisaaniyadda.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET