Akhriso: Warbixinta Guddiyada Difaaca iyo amniga uga haldeen hab-dhismeedka Amniga Qaranka

Muqdisho (caasimadda Online) – Guddiga difaaca iyo arrimaga amniga ayaa golaha shacabka hordhigay qoraal dib u eegis ah ay labad guddi ku sameeyeen hab-dhismeedka amniga qaranka Soomaaliya.

Hadaba, qoraalkii halkan ka akhriso:

GUDDIGA DIFAACA IYO ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA

DIB U EEGSITA LABADA GUDDI EE DIFAACA IYO AMNIGA GOLAHA SHACABKA EE KU AADAN QAAB-DHISMEEDKA AMNIGA QARANKA SOOMAALIYEED

Hordhac

Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Gudaha iyo Amniga Golaha Shacabku waxey u mahadcelinayaan Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo wasiirada xukuumaddiisa ee sida degdegta ah uga soo jawaabay codsigii labada guddi ee golaha Shacabka, ayadoo arrintaani muujinayso dhaqan cussub oo Siyaasadeed iyo dhowrista nidaamka dowladnimo ee qarankeenu ku hamminayo ee aasasska ay u tahay isla xisaabtan, sidoo kale waxaan bogaadinaynaa kaalinta muuqata ee guddoonka Golaha shacabka ku lahaa suurtagalinta kulankaas taariikhiga ah.

Ayadoo la tixraacayo go’aanka fadhigii Golaha Shacabka ee dhacay Talaado 25 April 2017, ee looga dooday soo jeedintii  guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka arinta la xiriirta qorshaha hab-dhismeedka cusub ee amniga Qaranka ee dhowaan madaxda qaranaka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu ku heshiiyeen. Go’aankaas oo ahaa in xukuumadda Ra’iisulwasaare mudane Xasan Cali Kheyre oo ay u horeeyaan wasaaradihiisa Gaashaadhigga iyo amniga loo yeero, si faahfaahin dheeri ah iyo su’aalaba looga weydiiyo qorshahaan cusub .

Labada guddi ee Difaaca iyo Amniga oo ay wehliyaan Guddoonka Golaha Shacabka iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka waxey habeenkii 26-ka April 2017, villa Hargaysa fadhi dheer oo qaatay saddex saacadood kula qaateen Ra’iisulwasaaraha wasiirka difaaca, wasiiru-dowlaha Difaaca, wasiir ku xigeenka difaaca iyo wasiir ku xigeenka amniga, kulankaasoo su’aallo iyo faafaahin ay labada guddi ka weydiiyeen Ra’iisulwasaaraha iyo wasiirada la socday, kuwaasoo la xiriiray habdhismeedka cusub e amniga Qaranka.

Soo Koobid Nuxurkii Kulanka Wadaagga ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa furay fadhiga asagoo xusay sida ay lagama maarmaan u tahaykulamada noocaan ah ee a wada yeelanayaan guddiyada Golaha shacabka iyo xukuumadda gaar ahaan kulankaan oo dadka Soomaaliyeed ay danaynayaan waxa ka soo bixi doona, waayo waxa looga hadlayo waa arin taabanaysa mustaqbalka dalkeenna iyo masiirka umadeena iyo sida loogu baahan yahay in sida Dastuurku qabo ay u wada shaqeynayaan hay’adaha sharci-dejinta iyo fulinta.

Ra’iisulwasaare Kheyre oo hadalka la siiyey waxa uu hoosta ka xariiqay:-

  1. Mahadcelin iyo bogaadin la xiriirta in loogu yeeray asaga iyo wasiiradiisa in ay faahfaahin iyo fasiraad ka bixiyaan qorshaha habdhismeedka cusub ee amniga qaranka, ayna Golaha shacabka ka shaafiyaan dareenka iyo shakiga ka galay qorshahaas.
  2. In xukuumaddu ay ku shaqeyso sharuucda iyo Dastuurka u yaalla ayna diyaar u yihiin isla xisaabtan , sixid iyo yeeritaan markasta oo daren caynkaas ah uu yimaado.
  3. In qorshaha Habdhismeedka cusub ee amniga Qaranka ee loogu magac daray Somali National Security Architencture ee dhowaan soo baxay ay xukuumaddiisu wax ka ogtahay, islamarkaan mas’uuliyadda wanaag iyo qalad wixii uu yeesho ay qaadayso.
  4. In ciidamada xoogga dalku ay noqon doonaan kuwa isku dhafan,dheelitiran isla markaana ka wada hawlgali doonaan dhammaan geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  5. In meesha ay ka baxday isqabqabsigii iyo is faham-waa ka dhejiray wasiirada gaashaadhigga iyo taliyaasha ciidanka oo xukuumaddaan cusub ay arrintaas xalisay.
  6. In sababta loo xadidey tirade ciidamada xoogga dalka oo loo yiri 18,kun ay ka dambeysay kaalmada iyo ballanqaadka saaxiibada Soomaaliya.
  7. In Haddii ay timaado in la kala doorto midnimada ciidankeenna iyo madaxbanaanida taladeena iyo dhaqanka kale qancinta ajanabiga ay xukuumaddu dooranayso go’aannada midnimada iyo madaxbaanaanida ciidankeenna.
  8. In guddiyada amniga qaran iyo heer dowlad goboleed loo sameyn doono sharci awoodahooda iyo hawshoodana qeexa.
  9. In intii xukuumaddani ay jirtay la bixiyey dhamaan mushaaraadkii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayna xukuumaddu ay joogteyn doonto bixinta xuquuqda ciidanaka iyo shaqaalaha dowladda.
  10. In dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo xukuumadda federalka Soomaaliya ay abuurayaan jawi wada shaqeyn iyo isa soo dhawaasho dhinac walba ah.

Labada guddi waxey ayagoo ku salaynaya nuxurkii kulankii Ra’iisulwasaaraha jawaabihii iyo doodii la xiriirtay hab-dhismeedka cusub ee amniga qaranka waxay dib u eegis ku sameeyeen qoraalkii habdhismeedka cusub ee amniga qaranka , waxayna isla arkeen.

  1. In qoraalkaas la waafijiyo dastuurka dalka .
  2. Dib u eegis lagu sameeyo si loo waafujiyo dastuurka iyo shauruucda ciidanka xoogga dalka Soomaaliaya.

DIB U EEGISTA LABADA GUDDI EE DIFAACA IYO ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA BAARLAMAANKA EE HABDHISMEEDKA AMNIGA QARANKA SOOMAALIYEED

Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxey ka kooban yihiin afarta ciidan ee dastuurka dalka ku xusan ee kala ah:-

  1. Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed CXDS.
  2. Ciidanka booliska Soomaaliyeed CBS.
  3. Ciidanka sirdoonka iyo nabadsugidda HSNQ.
  4. Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed CAS.

Ciidanka XDS wuxuu ka koobanyahay :-

  1. Ciidanka Dhulka.
  2. Ciidanka Badda.
  3. Ciidanka Cirka .
  4. Ciidanka Difaaca cirka

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu ka kooban yahay

  1. Booliska saldhigyada federal Boolis.
  2. Daraawiish .
  3. Ilaalada canshuuraha Turbataariyo.
  4. Booliska ilaalada Diploomaasiyiinta iyo xarumaha dowladda.
  5. Barista Dambiyada CID.
  6. Ilaalada xeebaha.

Tirada lagu bilaabayo ciidamada xoogga iyo Booliska

Ayadoo la garwaaqsnayo caqabadaha miisaaniyadda iyo dakhli dhalinta dowladda dhexe waxaa lagu talinayaa:

  1. In ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka dhulka tiradiisa lagu bilaabo 22kun oo iskugu jira 18kun +4kun Danab.
  2. In tababrka ciidanka uu ka dhaco dalka gudahiisa.
  3. In ciidanka XDS ay toos u hoos yimaadaa wasaaradda gaashaadhigga.
  4. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed tiradiisu waxey ka bilaabanaysaa 32kun oo u kala qeybsan Boolis Fedaraal iyo biilis dowlagoboleed.
  5. Xoojinta iyo dhismaha ciidanka badda iyo difaaca xeebaha ee heer fedaraal, waaibaadkooda shaqo dib ayaa laga soo qeexi doonaa, waxaa qorshahaan lagu fulin doonaa muddo 6 bilood gudaheed oo ka bilaabayneysa 1da june 2017.

Qeybinta iyo qeybaha Soo hoosgalay :-

  1. Waxaa dib u qaabeyn lagu sameynayaa qeybaha ciidanka XDS ee hadda jira ayadoo wasaaradda gaashaadhigga iyo talisyada ciidankaas ay soo gudbinayaan qaabka la isku raacsiinayo qeybaha sectors ee ugu haboon ee ay noqon karto dib uqaabayntaas ayadoo laga salaynayo difaaca dalka , islama rkaana la ilaalinayo midnimada ciidanka, isku dhafnaantiisa iyo sharuucda ciidanka iyo dastuurka dalka.
  2. Ciidamada qaranka ee hadda shaqeeya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa saldhig unoqonaya dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo booliska Qaranka . waxaa qorshahaan lagu fulindoonaa muddo 6 bilood gudahood oo ka bilaabanayso 1-da June 2017.
  3. Kuwa hubaysan ee aan buuxinin shuruudihii ay uga id noqon lahaayeen ciidamada amniga waxa ay u baahnaan doonaan barnaamij hub ka dhigis iyo jihayn . maadaama ay xadidan tahay awoodda dhaqaale ee dowladda islamarkaana baahi loo qabo in ciidamada tiradooda la dhimo waxaa muhiim in loo sameeyo barnaamijka hub-ka dhigista iyo dhaqancelinta si aysan uga faa’ideysan kooxaha xagjirka ahi in askarystaan ciidankii hore ee amniga. Waxaa qorshahaan lagu fulin doonaan muddo 2 sanadood oo ka bilabanyso 1-d jun 2017.
  4. Guddiga qaran ee isku dhafka ciidanku wuxuu noqon doonaa qeyb muhiim ah dhinaca xaqiijinta in dhab loo helo ciidan amni oo qaranka Soomaaliyeed yeesho kaasoo matala Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya oo dhan .waxaa qorshahaan lagu fulin doonaa muddo 6 bilood gudahood oo ka bilaabanayso 1-da June 2017.

Amarka Iyo kala danbeynta:-

  1. Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed waa ciidan qaran. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ah taliyaha guud.
  2. Golaha amniga Qaranka oo uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah guddoomiye u yahay waxaa xubno ka ah: Ra’iisulwasaaraha, wasiirada xukuumadda Fedaraalka Difaaca, Amniga , Arimaha dibadda , Arimaha gudaha , Cadaaladda , Maaliyadda, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir . waxaa kaloo xubno farsamo ka ah taliyaasha ciidamada qaranka . ka qeyb galka dowlad goboleedyada kulamada gudiga amniga waxaa lagu qaban karaa si casri ah oo tiknooloojiyad la adeegsanayo haddii loo baahdo,sharciga golaha amniga qaranka lagu dhisayo waa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeenaa baarlamaanka. Waxaa qorshahaan lagu fulin doonaa muddo 3 bilood gudaheed oo ka bilaabanaysa 1-da may 2017.
  3. Golaha Amniga qaranku wuxuu dajinayaa arrimaha ku saabsan siyaasadda iyo istiraatiijiyadda , ayadoo fulinta iyo dhaqangalinta ay yeelanayaan hey’adaha amniga heer federaal iyo heer dowlad goboleed hadba inta qolo walba kaa khuseyso. Golayaasha amniga heer dowlad goboleed waxaa shir guddoominaya madaxwynayaasha dowlad goboleedyada iyadoo kulumadaas ay qeyb ka yihiin taliyaasha ciidamada qaran ee halkaas ku sugan iyo ha’adaha amniga ee dowlad goboleedyada.
  4. Si loo helo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan goloyaasha heer qaran iyo kuwa heer goboleed waxaa la abuurayaa xafiiska amniga qaranka iyo mid heer goboleed ayadoo hawlaha xafiisyadaan iyo sharcigooda ay ku dhismayaan la soo gudbin doono sida ugu dhaqsiyaha badan .waxaa qorshahaan lagu fulin doonaa muddo 3 bilood ah gudahood ka bilaabanaysa 1-da May 2017.
  5. Arrimaha la xiriira Khatarada amniga dibadda waxaa go’aanka kama dambeysta ah qaadanay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed si waafaqsan dastuurka dalka qoqobka 131. Hawgallada waaweyn ee la xiriira amniga gudaha ee ay qaybta ka yihiin CXDS waxaa go’aaminayo baaxaddiisa iyo qaab hawlgaleedkiisa golaha amniga qaranka.
  6. Taliyaha CXDS Soomaaliyeed oo la tashanay wasiirka gaashaadhigga ayaa soo magacaabay taliyaha qeybaha CXDS .haddi uu walaac ka yimaado waxqabadka ama habdhaqabka taliye qeybeedka ciidanka CXDSah, madaxweynaha dowlad goboleedkaas ay khuseysaa waxa uu arintaas si rasmi ah ugala soo xiriiraya taliyaha ciidanka XDS.
  7. Booliska Fedaraalka Soomaaliya waxa uu hoos imaanayaa wasaaradda amniga gudaha ee heer fedaraal ah, booliska dowlad goboleedyaduna waxa ay hoos imaanayaan hey’adaha ay khuseyso ee heer dowlad goboleed ayadoo ay jirayso wada shaqeyn joogto ah ee booliska labada heer ah.

Daboolidda Baahida Dhaqaale ee ciidamada :-

  1. Xukuumadda federaalka Soomaaliyeed ayaa ka mas’uul ah mushaaraadka iyo daboolidda baahiyada kale ee ciidamada qalabka sida ee heer fedaraal . halka dawlad goboleedyadu ay mas’uul ka yihiin mushaaraadka iyo daboolidda baahiyaha kale ee ciidanka booliska heer dawlad goboleed.
  2. Kaalmooyinka laga helo beesha caalamka eek u aaddan waxaa sis u dheelitiran oo cadaalad ah loogu kala qeybinayaa laamaha amniga heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada.
  3. Waa ina y jirtaa mas’uuliyad maaliyadeed federaal ah oo lagu caawinayo qeybaha booliska heer dowlad goboleed marka ay ku jiraan hawlgallo wax looga qabanayo qatarro gudaha ah.
  4. In muddo saddex bilooda lagu dhiso hab maamul maaliyadeed oo hufan, daahfurnan oo saldhig u noqda maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha ciidamada.
  5. Dowladda Soomaaliyeed ayaa u qoondaynaysa isala markaana u gudbinaysa beesha caalamka miisaaniyad ku filan oo lagu daboolo baahiyada asaasiga ah ee qorshe hawleedka qaab-dhismeedka ciidamada ee xilliga kala guurka.
  6. Miisaaniyadda ciidamada amniga waa in ay noqotaa mid dabooli karta dhammaan baahiyada dhaqaale sida mushaaraadka, qalabaynta , saadka caafimaadka, daryeelka, tababarka, dhismayaasha xurmaha ciidamada , hawlgallada…….. iwm.
  7. Go’aanada iyo heshiisyada ay galaan madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada , ama kuwa shirarka caalamig ah ka soo baxa ee la xiriira arimaha Soomaaliya waa in la horkeenaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  8. Mas’uuliyadda kor ku xusan waa in ay noqdaa kuwo waa faqsan nidaamka dastuurka iyo hanaanka wadaagga kheyraadka dalka.

Waxaa soo diyaariyay guddiga Difaaca iyo Arrimaha gudaha  iyo Amniga ee Golaha Shacabka.

Xil. Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale

Guddoomiye-ku xigeenka Guddiga Difaaca

Xil. Maxamed Cabdulle Faarax Geesey

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga

Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET