24.2 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

Ahlusuna oo mowqif cad ka istaagtay Kooxda Al-saadicuuna bil xaq (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online )-Iyadoo dhawaanahaani DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka ay siyaabo kala duwan uga hadleen Koox diimeedka cusub ee Al-saadicuuna bil xaq, ayaa waxaa iminka Kooxdasi ka hadlay Gobolada Dhexe ee Ahlusuna.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Guud ee Maamulka Ahlusuna ayaa sheegay in xubnaha ku jira Kooxda ay yihiin kuwo dano gaara leh.

Waxa uu Macalin Maxamuud Sheekh Xasan sheegay in Kooxda Al-saadicuuna bil xaq ay yihiin kuwo ka fog diinta Islaamka isla markaana ay dhaqan iyo caado u leeyihiin in wixii iyaga kasoo hara ay yihiin Gaalo.

Waxa uu tilmaamay inay halis ku yihiin diinta iyo dadka sidaa aawgeed Ahlusuna ay qaadi doonto talaabo looga hortagaayo meel waliba oo ay ku sugan yihiin.

Waxa uu intaa raaciyay in Ahlusunna ay dhawaan dhisi doonaan Guddi culimo ah oo shacabka ku buraarujiya Diinta, si looga hortago kooxaha dadka Gaaleysiinaya.

”Waxaan qeyb ka nahay dhinacyada iska fogeeyay Kooxda Al-saadicuuna bil xaq oo ku sifoobay calaamadihii uu rasuulka ka digay waxaan qaadi doonaa talaabo lid ku ah meel waliba oo ay joogan”

Dhinaca kale, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa ku baaqay in si wada jira loola dagaalamo Kooxda cusub oo uu sheegay inay fasaad muuqda ku heyso diinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News