Mas’uul kashifay kaalinta ay Puntland ku leedahay Hubka sharci darada ah ee kasoo dega Bosaso

Garoowe (Caasimada Online)-Xildhibaan hore Daahir Ciirro oo ku sugan deegaanada maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uu waxbadan ka og yahaya Hubka sharci darada ah ee kusoo qulqulaaya deegaanada maamulka.

Daahir Ciirro waxa uu sheegay in Hubka ugu badan ay yihiin kuwo kasoo dega Dekadda Bosaso, waxa uuna intaa raaciyay inay jiraan goobo kale oo laga soo dajiyo Hubka waaweyn ee soo gala deegaanada Puntland.

Waxa uu carab dhabay in deegaanada maamulka ay si xooli ah usoo galaan Hubka sharci darada ah, waxa uuna meesha ka saaray in maamulka Puntland uusan waxba kala socon Hubka sida xooliga ah usoo gala Puntland.

Waxa uu intaa raaciyay in Hubka soo gala deegaanada maamulka uusan ku ekeen Bastoolado balse ay jiraan Hub waaweyn oo aan loo soo bandhigin saxaafada.

Isagoo ka hadlaayay Hubka sharci darada ah ee kasoo dega Dekadda Bosaso ayuu yiri ”Adeer ganacsatada hubka waxay keenaan hub waaweyn iskaba daa Bistoolado Qoriga Suuga oo furfuran baa la keenaa, maamulkana waa uu ka warqabaa”

Sidoo kale, waxa uu fara muuqay in habka qabiil ee ay Soomaaliya ku jirto ay ka faa’iideysanayaan ganacsatada hubka iibisa.

Haddalka Xildhibaan hore Daahir Ciirro, ayaa imaanaya xili maalin ka hor ilaalada Dekadda Bosaso ay gacanta ku dhigeen Hub u badan Bastoolado oo lagu soo qariyay doon siday alaabo ganacsi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com