Angela Merkel oo booqasho ku tagtay Jeddah kana biyo diiday inay madaxa daboolato!

Jeddah (Caasimadda Online) – Angela Merkel oo ah hoggaamiyaha dalka Jarmalka ayaa booqasho ku tagtay Magaalada Jeddah waxayna ka biyo diiday inay fuliso sharciga u yaal boqortooyada Sacuudiga Carabiya xilli ay kulan la qaadaneysay boqor  Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Inay hablaha madaxooda qaawiyaan xilliyada ay ku sugan yihiin inay fagaaraha ayaa ka mid ah sharciyada u yaal boqortooyada Sacuudiga, balse arrintaas waxaa diiday inay fuliso haweeneyda ka arrimiso dalka Jarmalka ee Merkel.

Waxaa jiray Haweyn hore oo madax ah kuwaas oo booqaday Jeddah isla markaasna fuliyey sharciyada Boqortooyada, waxaana kamid ahaa Theresa May iyo Michelle Obama oo madaxa daboosha marka ay la kulmayeen boqorka.

Taas badalkeeda todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Baarlamaanka Jarmaka uu u codeeyey inaysan haweynk xijaabka ku xiran karin meelaha fagaaraha ah, waxaana halkaas ka muuqdo inuu kala fogaansho weyn u dhaxeeyo sharciyada labada dal.

Waxaa xusid mudan in haweeneyda majaraha u heyso Jarmalka ee Ms Merkel ay ka mid tahay hogaamiyaasha aaminsan in la mamnuuco gebi ahaanba in haweenka ay indho sharer xirtaan, inkastoo aysan weli u suurta gelin inay amarkaas ka dhaqan geliso guud ahaan Germany.

Haweeneydaan ayaa dalka Sacuudiga u tagtay sidii ay ugala hadli laheyd arrimo ay ku sheegtay inay ku saabsan yihiin xuquuqul insaanka sida  xukunka dilka ah iyo doorka uu Sacuudigu ku leeyahay dagaalka rayidka ah ee dalka Yemen, balse macquul ma noqon doonto inay sacuudiga ka tanaasusho xukunka dilka ah maadaama ay yihiin 100% dad islaam ah.