24.2 C
Mogadishu
Friday, August 22, 2025

DF oo iclaamisay dagaal ka dhan ah HirShabelle iyo Hawiye kadib warqad yaab leh oo kasoo baxday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warqad lagu mamnuucaayo duulimaadyada garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar, xilli ay u muuqato inay iclaamisay dagaal ka dhan ah maamulka HirShabelle iyo beelaha Hawiye ee dhistay.

Warqadani lagu mamnuucay duulimaadyada ayaa loo sababeeyay kadib markii diyaarado qaad sida ay ka degeen Jowhar, taasi oo ka careysiisay dowladda.

22-kii bishii lasoo dhaafay ayay hay’adda duulista hawada dowladda federaalka Somalia ay mamnuucday in diyaarada ay ka degaan garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar,balse qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha qaadka aysan dhag jalaq u siin qoraalkaas.

Qoraalka ay soo saartay waaxda duulista hawada dowladda Soomaaliya oo ay heshay Caasimadda Online ayaa lagu sheegay in mid kamid ah shirkadaha duulimaadyada oo lagu magacaabo RADUFU ay ku xadqudubtay go’aanka ay dowladda federaalka duulimaadyada qaadka uga mamnuucday garoonka Jowhar, sidaa darted laga mamnuucay shirkaddaasi Somalia, illaa inta uu kasoo baxayo ogeeysiin dheeraad ah.

Hay’adda Duulista Hawada ayaa ku hanjabtay in tallaabooyin dheeraad ah ay ka qaadi doonaan shirkaddaan hadii ay u hogaansami weeyso amarkaan ah inaan laga degi karin garoonka Jowhar.

Tallaabadaan ay dowladda federaalka ku mamnuucday diyaaradaha Khaadka geeyn jiray magaalada Jowhar ayaa noqoneysa dagaal ka dhan ah maamulka Hirshabelle iyo shacabkooda oo kaliya.

Go’aankan ayaa sidoo kale xadgudub weyn ku ah habka federaalka, waxayna dadka falanqeeya siyaasadda Somalia ay sheegayaan in tani ay tahay mid sababi karta cawaaqib xun ,isla markaana masuuliyaddiisa iyo wixii ka dhsha ay qaadi doonto Dowladda Federaalka.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News