Marka aad maqasho magaca Muuse Suudi Yalaxoow durba waxaa kugu soo dhaca dareno kala duwan oo ay u badan tahay dagaal dhacay, cambaarayn iyo fariimo togan. Inkastoo Muuse uu yahay qof waaya joog ah, ayna ku jirto khibrad badan, haddana mar waliba dadka waxay ka sheegaan inuu yahay qof ku wanaagsan madaddaalada maadaama uu ku hadlo hadal xikmad leh oo aan lala gaban. Muuse waa qof waxbadan og oo mudan in laga reebto dhaxalka iyo waaya arragnimada durugsan ee uu u leeyahay Gayiga.
Hadda waa mid kamid ah Senetarada Qaranka oo waxaa uu ku jiraa odayaasha Aqalka sare ee Soomaaliya, waxaana laga soo doortay maamulka Hirshabeelle, dadka qaar ayaa magaciisa raaciya Xaaji, sidaa darteeda mararka qaar waxaan adeegsan doonaa Xaaji Muuse iyo erayo kale.
Yaannan waxbadan kugu daalinin shaqsiyadda Muuse Suudi, dhawaan ayuu isagoo ku jira mid kamid ah kalfadhiyada caadiga ah ee golaha aqalka sare yiri mid kamid ah hadaladii ugu saameeynta badnaa ee laga qabto Xaajiga tan iyo markii ay ku jabeen dagaalkii Maxkamadaha 10-sano kahor, inkastoo hadalka uu jeediyay Munaasab ku ahayn goobta, haddana mar waliba Muuse waxaa uu u arkayay inay munaasab u tahay in la sheego hadalka; dhawr jeer ayuu isku dayay Cabdi Xaashi oo ahaa guddoomiyaha Aqalka sare inuu ka celiyo mawduucaas Muuse Suudi, balse odayga ayaa afka jabsaday isagoona waxyaabo kala duwan daaha ka qaaday oo kashifay, sidaa darteeda waxaan idin soo gudbinaynaa 4 waxyaabood oo laga bartay hadalkii saameeynta iyo xanafta lahaa ee uu jeediyay Muuse Suudi Yalaxoow oo katirsan golaha Senit ka Soomaaliya.
1. In Muuse Suudi mar waliba uu yahay Muuse Suudi
Waxaan umaleeya inaadan si saani ah u fahmin, waxaan kala jeedaa marxalad kasta oo la joogo Muuse dabci ahaan isma baddalo oo wali waa Muusihii aan naqaanay 25-sano kahor, Hal-adeegga, dhiiranaanta hadalka, iyo si fog wax u arragga, oo aan kala jeedo inuu arko wax aysan dadka intooda badan aysan arkin, waxaana dhihi karnaa waa Ildheeri iyo dabciga uu u sameysan yahay .
Si ay ahaataba Muusahaan arkay kama gaddisna Muuse hore oo aan aqaanay, kaliya isabaddalka jira ayaa ah in la sharciyeeyay isaga iyo hogaamiye kooxeedyadii la midka ahaa.
2. In dowladnimada la fahmay!!
Waxaad is-wayddiinaysaa waxa aan kala jeedo qodobkan, haddii aad doonayso inaad fahanto cajaladda dib u celi oo daawo waqtiyadii hogaamiye kooxeedyadii, waxaana si kooban kala jeedaa, haddii la arkayo Muusa Suudi oo leh “Dowladda hawshaas wax haka qabato,” waxay daliil cad u tahay in dadka intooda badan ay diyaar u yihiin dawladnimada.
3. In kalsoonida Farmaajo ee beelaha dega Hirshabeelle ay sii daciifayso
Waa cunsur kale oo laga bartay hadalka Xaajiga, waxaana la dhihi karaa saluuga iyo dacwadda ay qabaan beelaha Koonfurta badashadooda waxay soo deg dejinaysaa in xaalad kale uu dalka galo, waxaana horay u jiray saluugyo xilalka ah, markana waxaa kudarsantay sheekada in dhinacyo kale oo siyaasadda ah ay lugaha la gashay,oo ay kamid tahay dhanka dhaqaalaha iyo awood qaybsiga daqliga soo gala dowladda.
Tani waxay u baahan tahay in wax laga qabto maadaama beelo badan oo ay kamid tahay beel waynta Abgaal ay dhawr jeer dhaliileen qaabka uu wax u wado madaxwayne Farmaajo iyo xertiisa.
4. In federalka lagu dhaqmay ilaa xad
Waxaan kala jeedaa Inaad arragto Muuse Suudi oo leh Puntland islamarkaana afkiisa ka ilaalinaya erayga Daarood, waxay muujinaysaa in Federalka ilaa xad uu dhaqan galay, maadaama cid uu heystay Muuse aysan kaliya taabbanay Puntland oo xitaa ay kaga jirtay dhanka Jubbaland haddana mar waliba afkiisa waxaa ku badnayd inuu yiraahdo Puntland, inkastoo uu dood gooni ah watay odayga haddana mar waliba waxay tahay in la tixgaliyo in Xaajigu hadda yahay Samatar qaran islamarkaana aysan u suubbanayn inuu ku hadlo hadalo qabiil.
W/Qoray: Cabdi Wahaab Axmed Cali
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

