Muqdisho (Caasimadda Online) – Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xilka ka qaaday Hanti Dhawraha Qaranka kadib dilkii ay ilaaladiisa u geysteen wasiirkii Howlaha Guud ee dowladda Somaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji.
Haddaba wararka ay caasimadda Online ka heleyso Madaxdtooyada Viila Soomaaluya aaa sheegaya in Hanti dhowrihii qaranka Nuur Faarax Jimcaale la dul dhigay amar cusub, waxaana ugu weyn inuusan ka bixi Karin Madaxtooyada.
Sidoo kale waxaa la amray inuusan la hadli Karin saxaafadda inta ay ka dhamaaneyso baaritaanka lagu hayo dilkii loo geystay Wasiir Cabaas Cabdullaahi Siraaji
“Waxaa la i leeyahay ma hadli kartid, Madaxtooyada kama bixi kartid, lambarka gaarigeygana waxa la dhigay jidadka, waxa aan wajahayaa arrin adag”. ayaa laga soo xigtay Hantidhowrihii xilka laga qaaday oo warbaahinta gudaha ay la xiriirtay saakay aroortii hore.
Waxaa socoto baaritaan lagu hayo mas’uuliyadda falkaan ku lahaa hanta dhawraha qaranka, waxaana baaritaankaas wado Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo kiiskaan gacanta ku heyso.