Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadshay dilka wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya Cabaas Sheikh siraaji iyo Askartii ay dilkaas u xirtay. .
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya G/lle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka hadlay halka uu marayo baaritaanka kiiska dilka Wasiir Cabbaas C/llaahi Siraaji.
Waxa uu sheegay Guddoomiye Shuute Askarta dishay Wasiir Cabaas in ay ilaalo u ahaayeen Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka, Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo Golaha Wasiirada ay xil ka qaadis ku sameeyeen, inkastoo uu ka soo horjeestay.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in la hayo saddex qof oo rasaastii dhacday la baarayo ciddii geysatay, isla markaana baritaanka gaarayo masโuulka ay ilaaladiisu falka geysatay si wax looga weydiiyo masโuuliyadii uu ku lahaa.
Wuxuu ka digay in Masuuliyiinta Dowladda iyo ilaaladooda ay handadaan shacabka, dhibaatana ay ugeystaan, iyadoo ay dhacdoin xilliyada qaar, askata dowlada ay u wood sheegtaan dad shacab ah xilliyada qaarna risaas micno darro ah ku ridaan .
Waxa uu sheegay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya in aysan u dulqaadan doonin dhibaato loo geysto shacabka Soomaaliyeed, hadana iyaga dhibaateysan looga tago wadada dhexdeeda, taasina waxa uu sheegay in loo aqoonsanayo mid ku talagal ah.
Halkaan hoose ka dhageyso hadalka kasoo baxay guddoomiyaha Maxkamadda