25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Boko Xaraam oo sii deysay gabdhihii ugu badnaa oo ay ku heysteen Afduubka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Boko Xaraam ayaa sii daayay 82 gabdhood oo kamid ah gabdhihii ay qafaasheen 2014 ee laga afduubtay magaalada Chibok ee dalka Nigeria.

Gabdhahaani ay soo daayen Kooxda ayaa la qafaashay xili ay ku jireen waxbarasho waxaana intooda badan iminka lasoo daayay iyagoo xaas ah oo carruur sita.

Gabdhahaani ay sii daayen Kooxda oo ay ka muuqato duruufo kala duwan ayaa waxaa gawaari looga soo qaaday deegaan go’doon ah, waxaana leysugu geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.

Warbaahinta qaar ayaa sheegaya in 82 gabdhood lagu sii daayay wada xaajood dhex maray dowladda Nigeria iyo ururka Boko Xaraam.

Dadaalka lagu sii daayay Gabdhahaani ayaa waxaa ka horeeyay dadaal hore oo guushiisa dhacay Bishii Oktoobar ee sanadkii hore oo dowladu suuragalisay in wadahadal ay kusii deyso 21 gabdhood.

Dhinaca kale, deysmada Gabdhahaani ayaa farxad galin doonta qaar badan oo ka mid qoysaska Chibok, balse waxaa weli maqan in ka badan boqol gabdhood.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News