Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho ayaa cabasho lixaad leh ka muujinaaya talaabooyinka uu qaado Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre.
Dadka shacabka ah ayaa Ra’isul wasaaraha ku eedeeyay inuu caqabad ku yahay nolol maalmeedkooda.
Waxa ay tilmaamen in ciidamada ilaalada u ah Kheyre ay cadaadi xoogan ku hayo shacabka xiliyada ay isticmaalayaan waddoyinka magaalada Muqdisho.
Saalax Maxamuud Jimcaale oo kamid ah dadka deegaanka ku ah magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaanu shaqeyn xiliyada uu Ra’isul wasaaraha booqanayo Xafiisyada dowlada iyo goobaha kale.
Waxa uu sheegay inuu kamid yahay dadka u shaqo taga Suuqa Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, isla markaana ciidamada Ra’isul wasaaraha ay jaraan dhammaan waddooyinka gala Suuqa isla markaana hakat galiyaan isticmaalka gaadiidka.
Waxa uu intaa raaciyay in Ra’isul wasaaraha uu aad uga duwan yahay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo aan loo xirin waddooyinka magaalada xiliyada uu ku guda jiro Safarada iyo Booqashooyinka gudaha.
Ra’isul wasaaraha ayuu ugu baaqay inuu dib uga laabto go’aanada uu ku jaranaayo waddooyinka xiliyada uu isticmaalayo waxa uuna ku baaqay inuu la imaado xeelad ka duwan tan uu hadda ku dhaqmo.
”Dowladii Xasan Sheekh ayaan ku dhibsanay xirashada wadooyinka ballanqaadka Farmaajo kuma jirin inay sii xirnaan doonaan waddooyinka Muqdisho iyo kuwa ay isticmaalan Madaxda”
Si kastaba ha ahaatee, Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ayaa noqonaaya shaqsiga keliya ee loo xiro waddooyinka Muqdisho xiliyada uu ku howlan yahay socdaalka.

