27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Heshiiska amni ee London waxa uu iska dhaga tiray talooyinka iyo qaraarkii BF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiska Amniga ee Beesha caalamka iyo Soomaalida ay ku gaareen magaalada London waxaa la qaatay heshiiska ama “Qaabaynta Amniga Qaranka” ee Madasha saxiixeen 16-kii April 2017-kii.

Hadaba, waxaa sidoo kale jiray dib u eegis ay golaha shacabka u sameeyeen heshiiska madasha ee “Qaabaynta Amniga Qaranka” iyada oo guddadiisa difaaca iyo amniga oo kulan la qaatay ra’isul wasaaraha ay u gudbiyeen qodobada ay dacwada ka qabaan.

Waxaa intaa xigay qaraar ay golaha shacabka soo saareen oo ku aadan  “Qaabaynta Amniga Qaranka” iyaga oo rajo fiican ka qabay in ugu yaraan xukuumadda tixgelin-doonto tallooyinka ay heshiiska ku daraan.

Sida ku cad heshiiska amni ee beesha caalamka iyo Soomaalida ku gaareen 11-kii  May 2017-kii, waxaa waxba kama jiraan laga soo qaaday qaraarkii golaha shacabka, oo tallooyinkii ay soo jeediyeen darbiga ayaa lagu dhuftay, tusaalaha ugu horreeya waa golaha shacabka waxaa uu ku taliyay in ciidanka xoogga ka koobnaado 4 ciidan, hadda waxa la qaatay 3 oo ah go’aankii madasha, waa hal tusaale laakin heshiiska London waxaa ku cad in talada golaha shacabka aanan la geyn London.

- Advertisement -

Read more

Local News