25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Dhageyso: Puntland oo lasoo baxday awood ka baxsan federalismka iyo dowladda oo jawaab kulul ka bixisay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamulka Puntland ku eedeysay inay raadineyso awood la mid ah midda dowladda dhexe, taasoo lgu tilmaamay inay sharci darro ku timid nidaamka Federaalka Soomaaliya.

C/raxmaan Maxamed Xaashi  oo ah Wasiirka Kalluumeyisga dowladda Federaalka ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyey inay ku dhaqaaqday  tallaabo ay kula tartameyso dowladda Federaalka dhinaca shirarka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa Maamul Goboleedka Puntland ku eedeeyey inay sabab u aheyd fashilkii ku yimid shir caalami ah oo looga hadli lahaa Kalluumeysiga Soomaaliya oo la filayay in lagu qabto Jasiiiradda Seychelles asbuucyadii lasoo dhaafay.

Wasiirka ayaa caddeeyay in shir hordhac u ahaa shirkaaasi oo Muqdisho ay ku yeesheen wasiirada Kalluumeysiga Maamul Goboleedyadda ay Puntland goobta la timid inay la mid tahay dowladda federaalka oo saamiga dowlada Federaalka mid la mida la siiyo, taasoo la isku mari waayey isla markaasna keentay inuu baaqdo kulankii  Jasiiiradda Seychelles.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaashi ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in Maamulka Puntland uu isku dayo inuu isla simo dowladda dhexe taasoo ah wax ay la yaabeen dhammaan maamul Goboleedyada dalka ka jiro.

Markii ay Puntland sidaas ku adkeysatay, Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku bixiyey in shirka la baajiyo inta ay Puntland ka ogolaaneyso inay tahay Maamul Goboleed hoos yimaado dowladda dhexe isla markaasna ku qanco qoondada la siiyo maamul Goboleedyada kale.

Sida uu wasiirka ka dhawaajiyey dhammaan maamul Goboleedyada dalka way ogolaadeen saamiga dowladda dhexe, kaliya waxaa arrintaas ka hor yimaaday maamulka Puntland oo isku arka inuu yahay mid ka duwan maamulada kale.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka wasiirka

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News