Gobollo badan oo codsaday inay ka go’aan Mareykanka intiisa kale.

In ka badan laba boqol oo kun oo qof aya Aqalka Cad ee Mareykanka u diray codsi ah in goboladooda loo ogolaado inay ka go’aan Mareykanka intiisa kale, kadib dib u doorashadii madaxweyne Obama.

Codsiyada ayaa waxa lagu buuxiyay qeybta “We the People” ee website-ka Aqalka Cad.

Inta badan 36-ka gobol ee codsiyada ay ka yimaadeen, ayaa ah kuwo u codeeyay musharaxii laga adkaaday ee xisbiga Jamhuuriga Mitt Romney, inkast aoo ay ku jiraan kuwo u codeeyay Obama.

Dastuurka Mareykanka ma ogola in gobol uu ka go’o dalka intiisa kale.

Ilaa iyo hadda Aqalka Cad kama hadlin codsiyada ka yimid dadka careysan oo ay ku doonayaan go’itaanka.

Codsiyad ugu badan ayaa ka yimid dad degan gobolka Texas, waxaana ay gaarayeen 90 kun. Texas waxa ay ahaan jirtay Jamhuuriyad gooni ah, ka hor inta aysan ku biirin Gobollada Midoobe.

Markii ugu dambeysay ee gobollo ay ka go’een Mareykanka, waxaa billowday dagaalkii sokeeyay ee Mareykanka, kadibna gobolladii go’ay ayaa laga adkaaday oo qasab lagu soo celiyay.

Inta badan kuwa codsiga go’itaanka soo diray waa dad muxaafad ah (Conservatives), oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, oo carro ka qaaday guul darrooyinkii ka asiibay doorashooyinka.

Gobollada laga soo diray codsiyada ayaa waxaa ka mid ah Alabama, Arkansas, Colorado, Florida, Georgia, Indiana, Kentucky, Louisiana, Michigan, Mississippi, Missouri, Montana, New Jersey, New York, North Carolina, North Dakota, Oregon, South Carolina, Tennessee and Texas.