Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa fiidkii shaaciyay magacyada Guddoomiyeyaasha cusub ee loo magacaabay degmooyinka, iyadoo markii u horeysay ay ka soo muuqdeen 5 haween oo loo dhiibay degmooyinka.
Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu magacaabay Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo xilka looga qaaday illaa 15 guddoomiyeyaal degmo oo xilalka hayay tan iyo sanadkii 2014.
Labo Guddoomiye degmo ayaa la dhaafay, kuwaasoo kala ah degmooyinka Huriwaa iyo Kaxda, halka Guddoomiyihii Dharkeenley C/fataax Yaanyo loo soo wareejiyay degmada Kaaraan.
Hoos ka Akhri Liiska Gudoomiyaasha G.Banaadir
1- Gudoomiyaha Degmada C/casiis Sharmaarke Maxamed Ladane
2- Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali Yaanyo
3- Gudoomiyaha Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali Jimcaale
4= Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud
5- Gudoomiyaha Degmada Howlwadaag C/kariin Cali Kaar
6- Gudoomiyaha Degmada Hodan Maxamed Cantoobo
7- Gudoomiyaha Degmada Dayniile C/wali Nuur Faarax
8- Gudoomiyaha Degmada Wadajir Cumer C/llahi Xassan
9- Gudoomiyaha Degmada Dharkeynley C/raxmaan Siid Cali
10- Gudoomiyaha Degmada Shangaani Basmo Cumer Axmed
11- Gudoomiyaha Degmada xamerweyne Cumer Shariif Maye
12- Gudoomiyaha Degmada Xamerjajab C/wali C/llahi Maxamed
13- Gudoomiyaha Degmada waabari Rowdo C/llahi
14- Gudoomiyaha Degmada Boondheere Zainab Yuusuf Wehliye
15- Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Zainab Maxamuud Warasame