Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uu aqbalay 3 casuumaad oo uga timid Seddex dal.
Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu aqblay casuumadahaasi oo uga imaaday dalalka Masar, Bahreyn iyo Qadar oo uu iminka u safray.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in dal waliba uu ku sugnaado muddo laba cisho ah, sida aan kasoo xiganay ilo wareedkeena Villa Somalia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Seddexdaasi dal kala hadli doono arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Xiriirka, Amniga, Siyaasada iyo Abaaraha soo noqnoqday ee ka jira Gobolada dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u galay 9 safar oo uu ku kala baxshay Sacuudiga, Kenya, Cammaan, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Ethiopia, London, Sacuudiga iyo Jabuuti oo dhamaantooda xiriir dhow la leh Somalia.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu gali doono Safaro kale oo xigi doona casuumaada Seddexda dal ee aan kor kusoo sheegnay.
Si kastaba ha ahaatee, Farmaajo ayaa horay uga cudur daartay Safaradiisa badan ee uu ku gaarayo Caasimadaha caalamka, waxa uuna sheegay inaanu jirin lacago gaara oo kaga baxeysa Safarada uu aado.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]