Hargeysa (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ka dhawaajisay inay $200,000 ugu deeqday dhammaan maamul Goboleedyada dalka ka jiro oo ay kamid tahay Maamulka Somaliland.
Haddaba waxaa arrintaas si aan laga fileyn uga hadlay Maamulka Somaliland oo ku gacan seyray inay aqbalaan lacagta ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday.
Cusmaan Cabdullahi Saxardiid oo ah Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland go’aan ku gaartay inaysan aqbalin lacagtaas.
Wuxuu tilmaamay in habka loo maray deeqda lacagtaan ay tahay mid qaldan maadaama dowladda ay ka dhawaajisay inay lacagtaan ugu deeqday Maamul Goboleedyada Soomaaliya iyagana aysan kamid aheyn Maamuladaas sida uu isaga sheegay.
Wuxuu tilmaamay in golaha wasiirada ay arrintaan ka shireen isla markaasna ay isku raaceen inuusan maamulka Somaliland qaadan lacagtaas ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday.
Wasiirka ayaa ku nuux nuuxsaday inay Somaliland tahay dal ka gooni ah Soomaaliya isla markaasna haddii dowladda Soomaaliya ay wax ugu deeqeyso ay ku sheegto inay ugu deeqday dalka Somaliland.
Wuxuu tilmaamay inay wadaan qorshe ku saabsan kasoo kabashada Abaaraha oo uruurinayo 10 Milyan Dollar oo 4 milyan ka mida uu ku deeqday Imaaraadka Carabta.