25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xildhibaan aad uga soo horjeeday Farmaajo oo mowqifkiisa ku bedelay kooxda Horusocod

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo kamid ah Mudanayaasha BFS ayaa aad u dhaliilay Xildhibaanada Mucaaradka ee dhawaan ku dhawaaqay Madasha Horusocod.

Xildhibaan Idiris oo kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay ee kasoo horjeestay Madaxweynaha Somalia isla markaana ka biya diidanaa Ansixinta Ra’isul wasaare Kheyre ayaa iminka sheegay inay nasiib darro tahay in la mucaarado Xukuumada cusub ee aan weli qaban howlihii loogu tallo galay.

Xildhibaan Idiris, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Xildhibaano ka tirsan BFS ay xiligaani is hortaagan dowlada boqol Jirsatay.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada Mucaaradka ah aysan garaneynin sababta ay ilaa hadda ku mucaaradayaan dowlada, waxa uuna cadeeyay in Madasha ay tahay mid lagu burburinaayo dowladnimada.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Xildhibaanadaas Boqolka gaaraya ay yihiin kuwii ansixiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre,waxna ka soo dhisay dowladda Cusub ee Federaalka Somaaliya.

Waxa uu cod dheer ku sheegay inuu aad ula yaaban yahay in Xildhibaanadaasi ay isku garbinayaan inay ridaan dowlada cusub ee aan wali loo diiwaan galin khaladaadka.

”Xildhibaanada doonaya in ay dowladda ridaan waxaan leeyahay haku fududaanina arintaan ee dowladda waqti siiya si ay u saxdo hadii ay wax qaldamaan”.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxa uu cadeeyay inuu kasoo horjeedo Xildhibaanada doonaya inay ridaan dowaldda isla markaana uusan taageersaneyn.

Waxa uu ku baaqay in garab lasiiyo dowlada ka hor inta aan la shaacin inay jiraan xumaan, si buu yiri Shacabka iyo Adduunkaba loo tuso haddii ay jiraan khaladaad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News