25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Aqriso: Magacyada iyo gobolada ay kasoo kala jeedaan 6 Daacish ah oo ay xabsiga kasii deysay Puntland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maamulka Puntland gaar ahaan Maxkamadda Ciidamada ayaa xabsiga kasii deysay 6 nin oo ka tirsanaa ururka Khilaafada Islaamiga ee Daacish kuwaas oo dhawaan isi soo dhiibay.

Lixdaan nin ayaa dhawaan isku dhiibay ciidamada Maamulka Puntland, waxaaa la geeyey Magaalada Boosaaso oo ay ku xirnaayeen muddo, waxayna saarnaayeen oo ay dacwad uga socotay Maxkamad halkaas ku taal.

Haddaba Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Col. C/fitaax Xaaji Aadan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay cafis iyo sii deeynta maxkamadda oo uu sheegay inay ku qanci weyday eedaymaha ay soo jeedisay xeer Ilaalinta Puntland midaasna ay keentay inay xaq u yeeshaan in laga sii daayo xabsiga.

Lixda Nin ee cafiska loo fidiyey ayaa dhammaantood kasoo jeedo Govolada Woqooyiga ee Maamulka Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sharciga u yaal Puntland ayaa ah in cid kasta oo isi soo dhiibto ay xaq u leedahay in la siiyoo cafis, waana midda maanta keentay in xabsiga laga sii daayo lixdaan nin ee ka tirsan Daacishta Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso Magacyada lixdaan nine ee maanta xoriyadooda dib loo siiyey:

  1. FEysal Idiris cilmi 28 jir ah ku dhashay Boorama
  2. Maxamuud Axmed Shaamir, ku dhashay Hargaysa
  3. C/salaam Axmed Xaaji Siyaad 17 jir, Ku dhashay Kuwait
  4. Isaaq xuseen Cabdi Ku dhashay Baydhabo.
  5. Siciid Cali Bare 31 jir ah Ku dhashay Muqdisho.
  6. C/xakiim Xuseen Xasan 25 jir, ku dhashay Muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News