Muqdisho (Caasimada Online) – Dalka Sri Lanka, ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ku dhinteen 202 qof, isla markaana ay ku barakaceen in ka badan nus milyan.
Dadka dhintay ayaa sababsaday daadad baahsan iyo dhoobo ku seeray dalka, waxaana dadkaasi usoo gurmaday dalal dhowr ah oo lawadaaga darisnimo.
Lanka Ravi Karunanayake oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sri Lanka ayaa sheegay inay gurmad degdeg ah ka heleen ilaa 16 dal.
16 dal ayuu sheegay inay lasoo gaaren daawooyin iyo sahayda gargaarka si ay u caawiyaan kuwa guryahoodii ka qaxay.
Sidoo kale, Sargaal u hadlay Xarunta dawladdu maamusho ee Maareenta Musiibada ayaa sheegay in ku dhawaad 600,000 oo qof ay hoy la’aan soo wajahday.
Hay’adaha gargaarka ayaa la dhibtoonaya inay gaarsiiyaan cuntada dadka ku go’doomay meelaha miyiga ah.
Daadka dhoobada wata ee ku seeray dalkaasi ayaa noqonaaya kii ugu baahsanaa oo dhabar jabiyay dowlada Sri Lanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]