26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Warqad dad badan qiiro gelisay oo loo diray madaxweyne Xasan Sheekh (Aqri)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ku: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,

Mudane Madaxweyne,

Waxaan kugu salaamayaa salaanta Islaamka Assalamu calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatuhu.

Maalamaahan oo kale dadku waxay farriimo u qoraan madaxweynaha cusub iyagoo siinayo talooyin aan xog ogaalnimo ku dhisnayn, laakiin ay ka muuqato rabitaankooda ama aragtidooda shakhsiyeed, mid qabiil, mid gobol iyo mid qaran iyo mararka qaar talooyin guud oo ay ku jiraan kuwo diini ah. Si ka duwan dadka kale aniga waxaan go’aansaday inaan warqaddan furan kuu soo qoro, anoo adiga kugu socodsiinayo, waxaanse filayaa inay ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka wada faa’iidaystaan.

Waa dareenkayga shakhsiyeed, haddii aad ka dareento wax aadan filayn amaba doonayn ku darso dulqaadkii aad lahayd afartii sano ee la soo dhaafay.

1- Waxaad u timid dalka oo burburay, dadka oo burburay iyo qarankeenna oo aan badankiis meel isku sheegi karin. Madaxweynahii kaa horreeyay wuxuu u soo saxiixay IGAD bishii Jannaayo 2012, ” IGAD grand stabilasation Plan of south and centeral Somalia” oo nuxurkiisu ahaa in IGAD (Kenya iyo Itoobiya) ay maamul goboleedyo u sameeyaan Soomaaliya. Waxaad ka hortagtay mashruucaas, waxaana tusaale u ahaa arrinta Jubbooyinka, oo markii dambe aad ku xallisay in Soomaalidu wada hadlaan, IGAD na ku ekaato taageero farsamo. Markii aad imanaysay halka maamul goboleed ee jiray madaxdiisu waxay ka biyo diidsanaayeen Dowladda Federaalka ah, madaxweynahii xilligaa ee Puntland waxuu diiday inuu ka soo qaybgalo xafladdii caleemo saarkaaga, madaxweynihii aad xilka kala wareegtayna wuuba kaa safray. Maanta dalkeennu waxuu leeyahay maamullo ay dadka intooda badan ku raalli yihiin, loona baahan yahay in loo dhammaystiro sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen nabadgelyada iyo dhismaha dalka. Waxaad xukunka ka tagtay iyadoo madaxdii maamul goboleedyada oo dhan ay joogaan hal hall, oo aysan jirin cid dudsan, waxaan garan karaa dhibka aad ka martay afartii sano in himiladan la xaqiijiyo.

2- Markii lagu dooraty doodda Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay tallay waxay ahayd in la soo kordhiyo ciidamada AMISOM, loona sameeyo ciidamo badda ah iyo kuwa cirka ah. Waxaad ku guulaysatay in doodda u rogonto dhismaha ciidanka xoogga dalka, qaadista cunaqabataynta hubka iyo in la joojiyo mashaariicda AMISOM loogu samayn rabay ciidan badeed iyo mid cirka ah. waxaa qayb ahaan dalka laga qaaday cunaqabatayntii hubka. waxaad hor istaagtay in ciidanka xoogga dalka lagu saleeyo qaybaha maamul goboleed si uu u ahaado ciidan qaran oo midaysan, waxaa taas kugu dhibsaday xoogag badan oo ajnabi ah iyo wax magarad Soomaaliyeed oo ku eegaya ciidanka hadda jira inuu yahay mid beeleed oo in la kala diro uu xalka yahay. Markii aad diidday qorshaha lagu kala dirayo ciidanka XDS oo loogu qaybinayo maamulgoboleedyo, Waxay ka goosteen ciidankeenna gunnadii dawladaha US, UK iyo EU ay siin jireen ciidanka maadaama aad taladaa diidday, waxaana dusha lagaa saaray eedda ah inaad bixin waysay mushaaraadka ciidanka. Waxay billaabeen markaad xilka ka tagtay kadib bixinta mushaaraadkaas iyadoo si xoog leh u soo if baxday inay rabaan in XDS loo qaybiyo maamul goboleedyada ( talooyinka shirka Nayroobi iyo go’aannad Shirkii London ee arrimaha ciidanka Soomaaliya). Waxaan la illoobi doonin inaad ka tagtay ciidanka XDS oo aan hoos tagin maamul goboleedyada, adigoo soo celiyay nidaamkii hore ee uu u dhisnaa qeeybaha ciidanka xooga dalka soomaaliyeed. Waxaad naga tagtay iyadoo doodad Golaha Ammaanka ay tahay sidii looga maarmi lahaa AMISOM, markaad ka xoraysay dalka intiisa badan.

3- Waxaad inoo timid iyadoo dakhliga dowladda uu u dhaxeeyo (800,000- 1,200,000 oo Dollar bishii). Adiga oo aan beddelin madaxdii maamulka dakhliga waxuu celcelis gaaray bishii 8,000,000 Dollar. Waxaad si aan hagar lahayn u hirgelisay Nidaamka Maamulka Hantida Guud (PFM), taas oo ay caddaatay in dakhliga dawladda soo gala aan loogu takrifalin si nidaamka ka baxsan. Haddii khaladaad dhacaanna aan marna adiga farta laguugu soo fiiqin. Ma aadan soo daabacanin lacag been abuur ah intaad joogtay. Waxaad Soomaaliya ku celisay xubinamadeedii Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo goloyaashii ay ka maqnaan jirtay. waxaad naga tagtay iyadoo dawladda Soomaaliya ay buuxisay lix kamid ah shuruudahii toddobada ahaa ee u suurtogalin lahayd in dib loogu dhigo ama laga cafiyo daymaha lagu leeyahay, si maalgelin loogu helo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale. Waxaad ku dhiiratay inaad dunida u muujiso in Soomaaliya ay tahay dal khayraad leh, sahanka la sameeyay ee shidaalka, waxuu qayb ka ahaa colaaddii ay kuu qaadeen quwado shisheeye oo arkayay in tallaabooyinkaaga qunyar socodnimada ay keeni karto in Soomaaliya gasho heshiisyo shidaal iyadoo aan u daba fadhiisan dawladaha qaar.

4- Waxaad fahamsanayd nugaylka dowlada Soomaaliyeed, khaladaadkii diblomaasiyeed ee aan soo galnay laga billaabo markaan xorriyadda qaadannay, dagaalladii aan galnay iyo colaadahii aan kasbannay. Waxaad xakamaysay dibloomaasiyada caadifadda ku dhisan ee muujisa carada iyadoo aan taag lahaynin. waxaad miisaantay loollanka culus ee gobolka iyo dunida ka jira, waxaad ka gabatay duufaanno qaaday dawlado badan oo aan inaga fogayn. waxaad isku waday Maraykanka iyo Ingiriiska, Turkiga iyo Imaaraadka, Masar iyo Itoobiya. Waxaad isticmaashay dabacsanaan aan soomalida caadi u ahayn markaad Keenya la dhaqmaysay, waxaadse meel adag soo saartay in Baddeenna aan lagu gorgortamin. Waxaad diidday heshiiska Berbera oo aan dhihi karo waxuu sabab u ahaa colaadda kaaga timid Imaaraadka oo hanti badan ku bixisay in lagu rido. Waxaad muujusay in Soomaalida aysan colaad shisheeye xamili karin, waxaad ku dhiiratay inaad Itoobiya ku qanciso inay taagerrto dawladda Federaalka ah halkii ay ka taageeri jirtay qabaa’ilka, kooxaha siyaasadeed iyo gobollada. Doorashadii waxaa loo fasiray inay adiga itoobiya kaa jeceshahay madaxda kale, waxaa taas ka xumaan lahayd in itoobiya ay qabaa’ilka iyo gobolllada kugu dirto waana waxii cimri gaabiyay dawladaheennii kaa horreeyay. Waxaad naga tagtay iyadoo aan lagugu tuhunsanayn in heshiis qaranimadeenna wax u dhimaya aad la gashay shisheeye nooca uu doono ha ahaado.

5- Waxaad maaraysay damaca qaabaa’ilka Soomaaliyeed oo iska soo horjeeda, waxaad ku khasabtay beesha aad ka dhalatay ee Hawiye iney aqbalaan Federaalka si loo soo celiyo midnimada iyo wada jirka dalka. Waxaad kula gashay dagaal adag in la dhiso maamulada Jubba iyo Koofur Galbeed iyadoo aanay beeshaadu awood xoog leh ku yeelan. Waxaa is casilaad kaa dalbaday May 2014 tiro xildhibaanno ay hormuud u yihiin beeshaada iyagoo isku qarinaya inay musuqmaasuq iyo maamul xumo kuugula dagaalamayaan, laakiinse ay ahayd gadood ku saabsan go,aankaaga in Shabeelllada Hoose la raaciyo Koofur Galbeed. Waxaad sasabyo , baryo iyo laaluush xal ah ku dhistay Galmudug,, waxaa xusid mudan in tolweynaha deegaankaas kugu khasbay in Dhuusamareeb caasimad looga dhigo, misana ay suurtogalin waayeen inay maamulkii dejiyaan caasimaddiisii. Waxaad u dhabar adaygtay dhismaha Hirshabeelle oo aad ku kasbatay colaad badan. Dadka xilka kaala wareegay ayeey u taallaa inay hirgeliyaan nidaam ay qabaa’ilka kuwada lahaadaan maamullada aad u dhistay.

6- Sannadkii 2013, waxaad ku ballanqaaday Aragtida 2016, in Soomaaliya aanay ka dhici doonin marka uu xilligaaga dhammaanayo muddo kororsi iyo xulid tii 2012 oo kale ah. Waxaad ku guulaysatay doorashooyin dadban in dalka laga qabto, cid kasta ayaa kaa soo horjeesatay, dadkeenna iyo ajnabiga na taageera oo dhan diyaar bay u ahaayeen muddo kororsi kooban, inta la hubo adiga oo qudha ayaa ku adkaystay in doorasho la qabto. waxaa laguu dhigay caqabado badan iyo eedo sheegayo in doorashaduba tahay shaadh aad tolanayso. Waxaad ku guulaysatay in doorasho ka dhacdo gobollada dalka, in la soo doorto xildhibaanno laba gole, oo badankood aan adiga kuu codaynin. Waxaa ummada soomaaliyeed xusuus ugu filan in gabadha ugu da, yar aqalka sare ay isku xuquuq siyaasadeed yihiin iyada iyo Madaxwene Faroole, Senator Cumar cabdirashiid, Xaaji Muuse Suudi iyo Gen.Cabdi Qaybdiid. Dad badan oo Soomaaliyeed waxay farxaan markay daawadaan muuqaalkaas. Waxaad aqbashay doorashada lagaaga guulaystay, xataa adoo laguu arko qof laga adkaaday, oo la dareemayo inay ku khayaaneen kuwa aad aamintay waxaad go,aansatay inaad cashar cusub na barto oo ah sidaad xilka u wareejisay iyo inaad wali dawlanimada garab taagan tahay, qosolkaaga dhoolla caddaynta lahaana isma baddalin.

7- Waxaa lagugu eedeeyay inaad tahay qabiiliiste u janjeera qoyska uu ka dhashay, uguna sad buriyay dawladnimada, waxaa laguu abuuray nacayb badan oo qaarkeed si xoog leh warbaahinta iyo mukhaabaraadka shisheeye loogu adeegdsaday. Waxaa la beegsaday meelaha ay dadka ka jilicsan yihiin oo dareenka qabiil, wadaniyadda afka baarkiisa ah, eedeynta shisheeyaha iwm. Haddad taqaan sida qabiilka loo adeegsago waxaad qancin lahayd 9ka murashax ee muddulood amaba 4ta wacaysle, laakiin waxay dhammaantood ogaayeen in aadan qabiilka wax wayn u arkaynin. Waxaa lagugu eedeeyay inaad hanti badan lunsatay, waxaase aan ogaaday inaad maanta ijaar ku deggan tahay guri ay leedahay gabadh uu dhalay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, oo ahayd gabadh da, yar markii aabbaheed xukunka laga tuuray. Waxaan xaqiiqsaday in haddii adiga ama ehelkaaga uu lahaan lahaa guryo waaweyn aadan u baahateen inaad gurigaas ijaar ku degto.

8- Waxaa lagugu eedeeyay inaad xilka u dhiibto dad aan munaasib ahayn, waxaa ii caddaatay in dadkii kula tartamay nuskood ay ahaayeen dad aad fursado siisay intaad xilka haysay, kaaga darane dadka Madaxweyne Farmaajo xilalka u magacaabay u badan yihiin dadkii aad adiga fursadaha siyaasadeed siisay ha ugu horreeyaan Raiisalwasaaraha, wasiirka Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Qorshaynta, taliyayaasha ciidamada iwm. Taas waxay mujinaysaa in saamaynta aad siyaasadda iyo siyaasiyiinta ku leedahay ay leedahay raad qodan oo aan la tiri karin.

9- Waxaad leedahay saaxiibbo aan kaa harin amaba aadan ka harin, waxaa la is weydiiyaa dhaqanka Soomaalida ma aha in la wada socdo, ama la isudulqaato. Waxay saaxiibadaa badankood go’aansadeen inay ku taageeraan iyagoo og inay adag tahay in dib loo soo doorto madaxweyne xilka haya. Waxay go’aansadeen inaysan muujin mucaaradnimo. Haddii aadan adigu saaxiibada jeclayn ma aydaan wada socoteen muddadaas iyo duruufahaas adag. Taariikhda dhaw inama soo marin madaxweyne leh saaxibbo ay isku mintidaan oo aan qabiil iyo dano hoose ka dhaxaynin.

10- Waxaa inagu cusub in madaxweyne hore dalka joogo oo siyaasadda iyo dibudhiska ka qayb qaato. Waxaanan la illoobi karin aqbalidaadii go’aanka doorashada, habmaamuuska xil wareejinta aad samaysay, taageeridda ansaxinta xukuumadda cusub. Mudane Madaxweyne, ugu dambayntii waxaan rajaynayaa inaad sii adkayeo dulqaadkaaga, Soomaaliyana ay kaala weynaato wax kasto, dadka ku dhibay afartii sano inaad u aragto carruurtaada oo aragti gaabni badan haysato. Way fahmi doonaan wixii aad qabatay, sidaad u fikiraysay iyo waxyaabaha aad kala badbaadinaysay, laakiin waqti bay u baahan yihiin.

W/Q: Cali Cabdi
Wadani Soomaaliyeed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News