Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafada Abba Gedo.
Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Gaari uu la socday Sargaal ka tirsan ciidamada dowlada, waxaana uu dhaawac kasoo gaaray Askar la soctay.
Qaraxa ayaa ahaa miino lagu weeraray Gaariga, waxaana ka badbaaday Sargaalkii watay gaariga, halka laba Askari oo la soctay uu soo gaaray dhaawac.
Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinaayo.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaaya Qaraxyada loo adeegsado miinooyinka, oo inta badan lagu weeraro dadka ka tirsan dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]