Nairobi (Caasimada Online) – Booliska dalka Australia ayaa sheegay inay toogasho ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo hubeysnaa kaa oo afduub iyo dil ka geystay gudaha magaalada Melbrourne.
Saraakiisha Booliska dalka Australia ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso, waxa ayna sheegeen Yacquub Kheyre uu dhismo ku yaala magaaladaasi ku qafaashay qof dumar ah ka hor inta ay boolisku toogasho ku dilin.
Booliska ayaa sheegay in mudadii ay ku guda jireen badbaadinta haweeneyda ay weerar kala kulmeen Yacquub Kheyre, waxaana ku dhaawacmay askari halka laga diley Yacquub Kheyre.
Weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo booliska ka tirsan.
Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in sanadkii 2009 loo xiray eedeymo ah in uu qorsheynayay weerar ka dhan ah xero milatari oo ku taala magaalada Sydney balse markii dambe dambi lagu waayay.
Taliyaha booliska gobolka Victoria, Graham Ashton, ayaa sheegay in Kheyre uu telefishin magaaladaasi ku yaala uu taleefoon kula hadlay, isaga oo u sheegay in weerarkaasi uu ku matalayo kooxda Dowladda Islaamka.
Kooxda IS ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen afduubka waxana garabka warbaahinta u qaabilsan IS uu sheegay in weerarka afduubka uu ahaa mid loogaga soo horjeedo ka mid ahaanshaha dowlada Australia ee isbahaysiga la dagaalama ururka IS.
Docda kale, Booliska dalka Australia ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan falkan ayna u soo bandhigi doonaan warbaahinta.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

