25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Somaliland oo marmarsiyo cajiiba u sameysay sababta Buubaa loogu diiday dhoofka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay sababta ka danbeysay in dhoofka loo diido Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo doonaayay inuu ka Safro magaalada Hargeysa.

Maamulka ayaa sheegay inay jiran sababo ku khasbaaya diidmada dhoofka Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa ayna sababta ku sheegen in Siyaasiga uu watay Baasaboor-ka Diblumaasiga ee Soomaaliga ah.

Sargaal ka tirsan Laanta Socdaalka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in Siyaasiga uu yahay muwaadin Somaliland ah, sidaa darteedna laga doonaayo inuu qaato aqoonsiga Somaliland.

Sargaalka waxa uu tilmaamay in Ismaaciil Hurre Buubaa uu mudan yahay in la xushmeeyo, balse aan laga maarmeynin in la dhowro sharciga.

Maxamed Muuse diiriya oo ah Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha maamulka Somaliland, ayaa dhankiisa ka sheegay in maamulka uu kala qaadayo sharciga iyo shaqsiyada qofka, waxa uuna diidmo ka muujiyay suuragalnimada in Siyaasiga uu magaalada Hargeysa kaga dhoofo Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliga ah.

Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha maamulka Somaliland, ayaa intaa raaciyay in Somaliland ay tahay dal ka madaxbanaan Somalia inteeda kale.

Waxa uu tilmaamay inay mamnuuc tahay in Somaliland looga dhoofo Baasaboorka Soomaaliga, waxa uuna danbiile ku tilmaamay cidii kasoo jeeda Somaliland ee isticmaaleysa Baasaboorka.

Dhinaca kale, Siyaasiga Ismaaciil hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia ayaa xiliga la xayiraayay ku sii jeeday dalka Kenya.

Maxay xagjiriinta u kordhiyaan weerarada bisha Ramadan, maxayse diinta ka qabtaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News