Jeddah (Caasimada Online) – Ilaa shan wasiir oo ka socday xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay gaaray dalka Sacuudiga oo ay kusoo saxiix rabeen mashaariic ay maalgelineyso dowladda Sacuudiga.
Haddaba wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo wasiiradii gaaray Sacuudiga ayaa tilmaamayo in wasiiradaas ay xaalad adag dhexda ka galeen kadib markii dowladda Soomaaliya ay shalay ku dhawaaqday inay khilaafka Carabta ka dhex bilowday ay dhex dhexaad ka tahay.
Ujeedka Wasiiradaan ayaa ahaa inay soo qaataan mashaariic ay dowladda Sacuudiga bixineysay, balse waxaa hadda muuqato in arrintaas ay hakad gashay isla markaasna dowladda Soomaaliya lagu xujeeyey inay xiriirka u jarto dalka Qatar ama xataa ugu yaraan ay xiriirka hoos u dhigto.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqaday inay dagaalka siyaasadeed ee lagula jiro dalka Qatar ay dhex dhaxaad ka tahay isla markaasna ay ku dadaaleyso sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhashay midaasna waxayn keentay in dowladda Sacuudiga ay gadaal geyso mashaariicdii ay siin rabtay wasiirada halkaas gaaray.
Wasiirada jooga Sacuudiga waxaa ka mida: Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha, Wasiirka Xanaanada Xoolaha.
Mashaariicda ayaa hadda u muuqdo in hakad la geliyey, waxayna qeyb ka ahaayeen balanqaad maaliyadeed oo Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdicasiis siiyay dowladda Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]