25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Dagaal u culus oo u dhaxeeya ciidamo militari ah iyo ciidamada hub ka dhigista oo ka socdo Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Dagaal culus oo la isku adeegsanayo hubka fudud ayaa hadda ka socdo Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xaafadda Seybiyaano ee Degmada Hodan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya oo marayey agagaarka Xaafada Seybiyaano iyo ciidamo ka tirsan kuwa hub ka dhigista Muqdisho.

Dagaalka ayaa bilowday markii Ciidamada hub ka dhigista Muqdisho ay weerar kusoo qaadeen ciidamaan oo marayey meel aan sidaas uga fogeyn Sarta Seybiyaano ee Degmada Hodan, waxaana halkaas ka dhacay dagaal socdo daqiiqado badan.

Dagaalka oo hadda u muuqdo inuu qaboobay ayaa lasoo sheegayaa in Ciidamadii hub ka dhigista dib loo celiyey isla markaasna ay awoodi waayeen inay hubka ka dhigaan ciidamadaan Militariga ee aadka u hubeysnaa.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel aad loo buuxo isla markaasna ah meel suuq ganacsi ayaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan tirada inta dhimatay iyo inta dhaawacan tahay.

Sidoo kale waxaa jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray ciidamadii dagaalmay.

Wixii warar ah ee kasoo kordha waan idinla soo socodsiin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News