26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Ciidamada xasilinta Muqdisho oo dagaal ku qabsaday degmada Kaaraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa goor dhow ka dhacay degmada Kaaraan, kaddib markii ciidamada Xasilinta ay howl gal hub ka dhigis ka bilaabeen degmadaas, iyadoo iska caabin ay kala kulmeen Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo ciidamo deegaanka ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxaana arrintan ka dambeysay kadib markii Ciidamada Xasilinta Amaanka Magaalada Muqdisho ay saaka baaritaano xoog leh ka bilaabeen xaafado katirsan degmada Kaaraan.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la maqlayay rasaas ka dhaceysay qoriga dhashiikaha ee saaran baabuurta loo yaqaano cabdi bilaha.

Goob joogayaal ku sugan degmada Kaaraan ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dhacay agagaarka xarunta degmada, halkaasoo ay ka socotay raashin qeybin.

Guddoomiyaha Waaxda Kamhuuriya ka tirsan degmada Kaaraan ayaa la sheegay inuu ku dhintay iska hor imaadka labada ciidan, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Jiis.

Xaalada ayaa iminka degan, waxaana ciidamadii xasilinta ee howl galka ku qaaday degmada Kaaraan u yimid ciidamo kale oo gurmad ah.

Inkastoo aanay ku guuleysan inay wax hub ah gacanta ku dhigana, hadana ciidankii Milateriga iyo kuwa deegaanka ayaa goobt isaga cararay.

Waa howl galkii u horeeyay ee ka dhaca degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho, tan iyo markii ciidamada Xasilinta ay bilaabeen howl galada sugida amniga iyo hub ka dhigista.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News