Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Sacuudiga ayaa qoray in Boqor Salmaanka Sucuudiga uu diiday in dowlada Kuwait ay ku fogaato xal u helida xiisada kala dhexeysa Qadar.
Boqorka ayaa sheegay in dowlada Qadar ay horay u abaabushay in colaad dhanka Argagixiso u abuurto dowladaha kale ee Khaliijka.
Boqor Salmaanka Sucuudiga, waxa uu dhigiisa Kuwait Amiir Sabah al-Ahmad al-Sabah u cadeeyay inaanu xasili doonin xiisada kala dhexeysa Qadar, waxa uuna meesha ka saaray in Kuwait ay xalinkarto xiisada jirta.
Boqor Salmaanka Sucuudiga, waxa uu dhigiisa Kuwait ugu baaqay in marka hore ay ku hormaraan Qadar oo ah dowlada amniga u diidan Khaliijka.
Boqor Salmaanka Sucuudiga, ayaa dhigiisa ka raali galiyay sida ay uga xun yihiin xiisada jirta waxa uuna ka dalbaday inaanu ku degdegin xalinta xiisada oo meel xun gaarsiisan.
Dalalka ururka Khaliijka kamid ahaa ee Kuwait iyo Cumaan ayaa iyagu diiday inay Sacuudiga iyo Imaaraadka ku taageeraan in go’adoon la geliyo dalka Qatar.
Qatar ayaa ku tilmaamtay xiisadan mid ay horey usii qorsheeyeen Sacuudiga iyo Imaaraatiga, isla markaana ay doonayaan inay uga aargutaan dalka Qatar oo ay dhanka siyaasada isku khilaafsan yihiin.
Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga ayaa aad uga didsan dowladaha kale ee carabta, waxa ayna cabsida ugu weyn ay tahay suuragalnimada inay u maleegan shirqoolo dhanka Siyaasada ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com