Siyaasada qabiilku ee Soomaaliya ma xal baa mise waa xaq? 

Laga soo bilaabo 1960kii Somalia waxay ku dhisnayd halbeeg qabiil u eke ah si gaar ah, waxaa arinka xoojiyay dowladihii burburka kadib taas oo si rasmi ah u soo shaac baxday doorashadii Madaxwayne Cabdilahi Yuusuf ee lagu sameeyay 4.5
Mudadii intaas ka danbaysay waxaa hal beega ama saamiga siyaasada Somalia ahaa qabiil, tusaale 4-ta beelood ee u waawayn waxay kala haystaan Madaxwaynaha, Gudoonka Baarlamaanka, Ra’iisul wasaaraha iyo gudoonka maxkamada sare oo aan saas shaqo gal u ahayn. Si lamid ah waxaa golaha wasiirada, xildhibanaada, agaasimayaasha iyo safiirada lagu qaybiyaa qabiil. Beesha la nusqaamiyay ayadu waa dulmane duudsi iyo boob u joog ah.
Hadaba, marka la qiimeeyo loolanka ka dhaxeeya beelaha Somalia ee awood ahaanshaha siyaasada , Somalia hormarkeedu kuma jiro in qaab qabiileedkaan kusii socoto xal iyo xaqtoona ma ahan,  tusaale cadna waxaa u ah dagaaladii sokeeye ee qabiilada iyo qabqablayaashu wadeen. Bahdilka iyo quursiga beelaha qaarna waxay sii siyaadinaysaa nacayb ay inta kale u qaadaan.
Dowlada Madaxwayne Farmaajo iyo RW khayre waxaa muhiim ah ayagoo kaashanaya golayaasha wasiirada, aqalka shacabka (baarlamaanka) iyo aqalka sare in ay sameeyaan siyaasad cad oo ku aadan ka bixida nidaamkaan qabiilka. Afar sano way ku adkaan kartaa in nidaamka axsaabta loogu wareego sababo amaan, dhaqaale iyo midnimo siyaasadeedba balse waxaa muhiim ah in lasii bilaabo qorshe looga baxayo qabiilka.
Dowlada cusub waa in ay taariikhda wax ka bartaa oo sidii xiligii madaxwayne Xasan Sheikh ay kusoo baraarugin xili wakhti iyo kharashba dhamaaday.
W/Q: Abdiwali Sheekh Farah
Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com