Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia si xooli ah uga socda howlgalada lagu ugaarsanayo Hubka iyo ciidamada labisan ee maala cagtooda.
Howlgalka Hub ka dhigista ayaa waxaa barbar socda uruurinta Askarta labisan ee isticmaala lugtooda kuwaa oo dhawaan laga mamnuucay inay maraan waddooyinka iyaga oo aan heysan fasax.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu diimayaa ciidamada ku labisan dareeska kuwaa oo Hub ka dhigista ka hor buux dhaafin jiray waddooyinka iyaga oo Hubeysan.
Ciidamada ugu badan ee cagtooda maali jiray ayaa waxaa u badnaa Militeriga, waxaana iminka laga saaray dhammaan Degmooyinka kuwaa oo la geeyay daafaha magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.
Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ayaa horay u meel mariyay in dhammaan Ciidamada Militeriga laga saaro magaalada Muqdisho, iyadoo laga shaqeynaayo amniga.
Sidoo kale, Madaxda Hay’adaha amniga dalka ayaa maalmo un ka hor shaaciyay inaan magaalada Muqdisho lagu arki karin Askari ka tirsan Militeriga dalka oo isticmaalaya cagtooda.
Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada Militeriga ee laga mamnuucay waddooyinka iyo guud ahaan magaalada ayaa isbedel ku keenay amni daridii horay uga jirtay magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]