Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay dowlada Sacuudiga ayaa waxaa lagu mamnuucay dhammaan buugagta iyo kitaabada diinig ah ee uu qoray wadaadka weyn Sheekh Yusuf al-Qardaawi.
Qardaawi oo hadda ah Guddoomiyaha Midowga Culumada Islaamka oo fadhigiisu yahay dalka Qatar, ayaa lagu eedeeyay inuu kamid yahay Culimada naas-nuujisa Kooxaha Argagixisada.
Dowlada Sacuudiga, gaar ahaan Wasaaradda waxbarashada, ayaa sheegtay in dhammaan Maktabadaha Iskuulada, Jaamacadaha iyo Goobaha lagu iibiyo Kitaabta laga saari doono kuwa uu qoray Sheekh Yusuf al-Qardaawi.
Wasiirka Waxbarashada Sacuudiga Axmed binu Maxamed Al-Cisa ayaa ku baaqay in si degdeg ah dhammaan Maktabadaha dalka looga saaro Kutubada uu qoray Sheekh Yusuf al-Qardaawi.
Wasiirka waxa uu sheegay in la dagaalanka Kutubada Sheekh Yusuf al-Qardaawi, ay u xilsaaren Guddi la socda Maktabadaha si loo hakiyo aqriskooda.
Nuqul kamid ah qoraalka Wasiir Axmed binu Maxamed Al-Cisa, ayaa lagu yiri ”Goobtii lagu arkaa Kutubta uu qoray Qardaawi, waxaa la marin doonaa sharciga, waxaa mamnuuc ah in la faafiyo buugaagta iyo kutubada uu qoray Qardaawi”
Dhinaca kale, dowlada Sacuudiga ayaa horay usoo saartay liiska 59 Culumo oo uu ku jiray Qardaawi kuwaa oo lagu eedeeyay in si dhow ay ula shaqeeyan Argagixisada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]