Doha (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda Qatar Ali Sherif al-Emadi ayaa taleefishinka CNBC ee Mareykanka u sheegay in Qatar ay si fudud dhaqaalaheeda iyo lacagteeda uga difaaci karto cunaqabateenada dalalka kale ee Carbeed.
Waxa uu sheegay in dalalka kale ee cunaqabateynta saaray Qatar ay iyaguna lumin doonaan lacag badan sababtuna ay tahay dhaawaca gaaraya ganacsiga gobolka.
“Dad badan ayaa rumeysan inaan nahay kuwa kaliya ee khasaaraya…haddii hal dollar aan khasaarno waxay ayaguna khasaraayaan hal dollar” ayuu yiri Ali Sherif al-Emadi.
“Waxa walba waxay u socdaan sidoodii, waana u furanahay ganacsiga…waa macquul in caqabado hal ama labo ah aan la kulano, balse dalka waa dal isku filan…warkaasna farxad uma ahan cadowga” ayuu yiri sii raaciyey.
Ali Sherif al-Emadi ayaa sheegay in Qatar ay badeecadaha kasoo dhoofsan karto dalka Turkiga, dalalka Bariga Fog ee Asia ama Yurub, islamarkaana xayirahaadaha la saaray ay ka dhigi doonaan mid dhaaalaheeda ay uga dhigto mid dhinacyo badan ku tiirsan.
“Keydkeena iyo lacagaheena maal-gashiga waxay 250% ka badan yihiin wax soo saarkeena gudaha, sidaas darteed ma jirto wax dadkeena ay u walaacaan” ayuu yiri Ali Sherif al-Emadi.
Hadalka wasiirka maaliyadda Qatar Ali Sherif al-Emadi ayaa imanay xilli dalalka u heshiiyey Qatar ee ay horkacayaan Imaaraadka iyo Sacuudiga ay filayeen inay dhaawac dhaqaale oo xooggan gaarsiiyeen.
Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]