26.3 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo aan wali xafiiskiisa fariisan oo xilka qaadis ku sameeyay agaasimeyaashii shaqada sii wadey

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa Hey’adaha kala duwan ee dowladda u gudbiyeye Cabasho ku aadan cadaalad daro lagu sameeyey Agasimayaal ka tirsan wasaaradaas.

Wasiirka Boostada Iyo Isgaarsiinta dowladda Soomaaliya Eng. Canshuur ayey ku eedeeyeen inuu xil ka qaadis ku sameeyey agaasimayaal ka tirsan wasaaradda isagoo aan weli si rasmi ah u fadhiisan xafiiskiisa, waxayna agaasimayaashaas ahaayeen kuwii shaqada sii waday.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso waraaqdii ay agaasimayaashaan u direen hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya:

- Advertisement -

Read more

Local News