27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sawirro: Qarax gaari oo ka dhacay goobo laga dukaameysto oo ku yaalla…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay dalka Colombia ee Bogota, kaa oo galaaftay nolosha dhowr qof oo xiligaa ku guda jiray baadi goobka nolol maalmeedkooda.

Dadka Qaraxa ku dhintay ayaa u badnaa Dumar iyo Carruur, waxaana la sheegayaa in Qaraxaasi uu burburiyay goobo ganacsi.

Qaraxa xoogiisa ayaa ka dhacay goob laga dukaameysto oo ku taalla Bartaha Caasimadda, halkaa oo aheyd mid aad u mashquul badneyd.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa 11 ruux, halka dhimashaduna ay kor u dhaftay afar ruux oo shibil u badnaa.

Duqa Magaalada Bogota Enrique Penalosa, ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaan ku hayaan Qaraxa oo ka dhacay goob laga dukaameysto.

Mr Enrique Penalosa waxa uu sheegay in Qaraxa loo adeegsaday Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.

- Advertisement -

Read more

Local News