28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Khasaaraha ka dhashay Ismiidaaminta goordhow ka dhacday Muqdisho oo sii korortay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay nawaaxiga xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari nooca caasiga loo yaqaan oo laga soo buuxiyay Qarxyo, kaa oo ay ku dhinteen tirro farabadan oo shacab ah, halka uu khasaaraha dhaawacana yahay mid xad dhaaf ah.

Qaraxa ayaa xiliga uu dhacaayay waxaa goobta ku sugnaa boqolaal ruux oo shacab ah kuwaa oo ku jiray feel ay ku qaadanayeen raashiin mucaawino ah.

Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka Gurmadka ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo hadda ay goobta ka qaaden dhaawaca inkabadan 14 ruux, halka Meydadka goobta yaala ay kor u dhaafayan Sagaal ruux.

Waxa uu sheegay in dadka qaar ay u dhinteen dhiig bax iyo dhaawacyo culus oo soo gaaray, waxa uuna intaa raaciyay inay suuragal tahay in dhimashada ay sii kororto.

Dadka dhaawacyada qaba ayaa waxaa ku jira kuwo gubtay, halka qaarna ay yihiin kuwo jarjarmay oo aan la aqoon muuqaalkooda.

Ciidamada Dowlada ayaa weli ku howlan badbaadinta dadka shacabka ah ee uu saameeyay Qaraxa, waxa ayna qaarkood u daabulayaan Xarumaha Caafimaadka.

Dhinaca kale, Gaadiidka gurmadka ah ee Ambalaasta ayaa halkaasi kasoo daabulaya dadka ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News