29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Kampala + Ujeedka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta uu u kictamo magaalada Kampala ee xarunta dalka Ugandha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalka Ugandha Yoweri Museveni, waxaana la filayaa in magaalada Kampala uu ku nagaan doono muddo laba cisho ah.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dhigiisa kala hadli doona arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ciidamada dalkiisa ee ka howlgala Somalia, xiriirka labada dal, siyaasada iyo ammaanka.

Booqashada uu Farmaajo ku tagayo magaalada Kampala ayaa noqoneysa tii 4aad oo uu ku tago wadamada gobolka, isagoo horay u booqday dalalka Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti oo dhamaan ciidamo ka joogaan Somalia.

Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Kampala kula kulmi doona Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Ugandha iyo Diplumaasiyiin Mareykan ah oo ku sugan magaalada Kampala.

Docda kale, Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee dalka Ugandha ayaa muujineysa in waxbadan uu iska bedelay xiriir xumidii kala dhexeysay Madaxweynaha Ugandha oo horay uga shaqeeyay xil ka qaadis lagu sameeyay Farmaajo xili uu ahaa Ra’isul wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News