Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday inay mamuuceyso Gaadiidka qaar ee loo iibkeeno gudaha dalka.
Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo dhulka ee xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Salaad ”Oomaar”, ayaa sheegay in gaadiidka la mamnuucaayo ay yihiin kuwo halis galinkara nolosha dadka shacabka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in Gaadiidka la mamnuucaayo ay yihiin kuwa dhanka Midig Isterinka ku leh iyo Gawaarida Albaabkooda uu u furmo dhanka Bidix ee Wadada dhankeeda ah.
Waxa uu Wasiirka sheegay in gaadiidka noocasi ah xitaa amni ahaan uusan u wanaagsaneyn dalka, waxa uuna cadeeyay inay muhiim tahay in Gaadiidka Ganacsiga laga eego dhinacyo badan ka hor inta aan loo iibkeenin dalka.
Waxa uu intaa raaciyay inay ka dhalankaraan shilal kasoo gaara dadka shacabka ah waxa uuna soo jeediyay in Ganacsatada ay ka fiirsadaan gaadiidka ay u iibkeenayaan Muqdisho.
Dhinaca kale, waxa uu ka digay in Ganacsatada dalka ay isku soo dhibaan iibkeenida Gaadiidka la mamnuucay waxa uuna carab dhabay inay kasoo saari doonaan sharciyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

