Chelsea ayaa hugaanka u qabatay hardanka loogu jiro saxiixa weeraryahan Rademel Falcao ka dib markii ay Manchester City hoos u dhigtay fursad ay dalab ugu dirto weeraryahanka reer Colombia. Sida uu qoray wargeyska Sunday Mirror.
Maareeyaha guud ee Atletico Madrid Migel Angel Gil Marin iyo wakiilka Falcao Jorge Mendes ayaa la kulmay agaasimaha cusub ee kooxda City Txiki Begiristan ka dib markii ay kooxda heysata Horyaalka Ingiriiska 2-1 kaga talaabsatay Tottenham isbuucii lasoo dhaafay.
Labada nin ayaa u duulay Etihad Stadium iyadoo aan wax casuumad ah ka helin City waxaana loosoo sheegay in xiisaha uu Roberto Mancini u qabo Falcao in dalab loogu diro ay noqon karto mid adag.
Labada koox ee ka dhisan Ingiriiska City iyo Chelsea ayaa ku dagaalamaayey saxiixa xidigaan kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 28 milyan oo ginni. City ayaase usoo jeesan karta xidigaan hadii ay Janaayo iska iibiyaan Mario Balotelli.
Kooxaha ka dhisan magaalada Milano, Inter and AC – ayaa soo bandhigay xiisaha ay u qabaan weeraryahankaan taasi micnaheeda ayaa ah in Chelsea aysan loolan kula kulmi doonin saxiixa weeraryahankii sedaxleyda ka dhaliyey kulankii finalka European Super Cup ee bishii August.
Falcao,oo 26 jir ah, ayaa 36 gool dhaliyey xilli ciyaareedkii hore markii uu kooxda Spain ka dhisan u bedelay Sergio Aguero ayna kula soo saxiixdeen 35 milyan oo ginni.
W/Q: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada — Somalia.