28.1 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Yuusuf Garaad oo lagu beddelayo CC Shakuur + Go’aanka beesha Cayr

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa lagu wadaa inuu xilkiisa ku waayo isku shaandheyn la qorsheeyey inuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ku sameeyo golaha wasiirada, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Yuusuf Garaad ayaa la filayaa in lagu beddelo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, sida ay sheegeen siyaasiyiin ka tirsan beesha Cayr oo la hadlay Caasimada Online.

Shir ay xubnaha beesha Cayr ku yeesheen magaalada Nairobi ayay dhowaan ku go’aamiyeen in beesha ay dooneyso in xilkan loogu magacaabo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, taasi oo ay kala hadleen Kheyre. Shirkaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wararka ayaa sheegaya in Kheyre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit Cabdi, oo saameyn weyn ku leh ra’iisul wasaaraha ay aqbaleen soo jeedinta beesha Cayr, sida xubno ka tirsan xafiiska Kheyre ay u sheegeen Caasimada Online.

Si kastaba, waxaan illaa iyo hadda la ogeyn in arrintan uu aqbali doono madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Beesha Cayr ayaa markii horeba kasoo horjeeday magacaabista Yuusuf Garaad Cumar, waxaana hadda ay u muuqataa inay u hir-geli doonto rabitoonkooda ahaa in qof ayaga ay wataan xilkan loogu magacaabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News