Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in magaalada Moskow ee dalka Ruushka uu gaaro Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.
Al-Bashiir ayaa casuumaad ka helay dhigiisa dalka Ruushka Vladamir Putin, waxa uuna is aragooda kusoo beegmi doonaa bartamaha bisha soo socota.
Vladamir Putin iyo Al-Bashiir ayaa isla soo qaadi doona arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xiriirka labada dal, Dacwada ICC ee loo heysto Al-Bashiir, Xiisada ka dhex aloosan wadamada Khaliijka iyo tan Gobolka.
Booqashada Al-Bashiir ee Moskow ayaa waxaa xaqiijiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan oo sheegtay in booqashadiisa ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana ay ahmiyad u lahaan doonta labada dal.
Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeysay loo heystaa dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada waxaana si aada u doon dooneyso Maxkamadda caalamiga ah ICC ee xarunteedu tahay magaalada Hague.
Sidoo kale, Al-Bashiir ayaa ku raja weyn in laga dulqaado cunaqabateynta ganacsi iyo tan guud ee iminka saaran Sudan.
Geesta kale, dowlada Sudan ayaa caqabado kala duwan kala kulmeysa dowlada cusub ee Mareykanka ee uu Hogaaminaayo Trump.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

